Tababaraha kooxda Manchester City Roberto Mancini & ciyaaryahankiisa dabeecada ka aradan Mario Balotelli ayaa dagaal gacmaha la isula tagey wuxuu ku dhexmatey xarunta tababarka kooxdaasi iyadoo iska horimaadku uu ka dhashay caro uu Tababare Mancini ka qaaday ciyaaryahan Balotelli oo six un shaafto ula kacay ciyaaryahanka kale ee ay isku kooxda yihiin ee Scott Sinclair xili kooxdoodu isku diyaarinayso kulanka FA Cup ee ay la yeelanayso kooxda Watford ee heerka labaad.

Tababare Mancini oo kolkii horeba cunaha uga buuxay hab dhaqanka gurucan ee ciyaaryahan Mario Balotelli ayaa markii uu dhulka ku dhacay ciyaaryahankii uu dhaawaca halista ah u geysan lahaa uu ku soo orday isagoo si carol eh inta shaatiga u qabtey isku dayey in uu banaanka u saar, laakiin Mario oo ka murqo waa weyn tababarihiisa wuxuu ka biyo diiday in uu ka baxo goobta tababarku ka socdey isagoo u xoog sheegtey Tabaabare Mancini, ilaa ay markii dambe xaaladu noqotey in la is jiid jiido oo gacmaha lagawada hadlo.

Shaqaalaha goobta iyo kuwa kale ee qaabilsan hanaan ciyaareedka kooxda ayaa ku soo cararay goobta iyagoo ay wehliyeen tiro ciyaaryahano iyadoo markii dambe banaanka goobtii tababarka looga saarey ciyaarahan Mario Balotelli.

Roberto Mancini ayaa in mudo ah caqli iyo maaweelo ku wadey 22 jirka ka soo jeeda asalkiisu dalka Ghana hase yeeshee ku dhashay wadanka Talyaaniga haystana dhalashada dalka Talyaaniga isagoo quus xiligan ka joogo hab dhaqanka wiilkan todobadkii ka qaate kooxda Manchester City 150-ka kun ee doolar.

 Xili kasta oo uu u bogi waayo hab ciyaareedkiisa tababare Mancini oo uu badal ku sameeyo Mario waxaa laga daawadaa Telefishinada isagoo si caro leh garoonka uga baxaya, isla markaana aanba ku sii hakan halka ay fariistaan kooxda iyo tababaraha, isagoo toos u abaara qolka labiska isla markaana garoonka oo dhan isaga taga.

 Sheekadan qosolka iyo xiisaha leh gaar ahaan gacan ka hadalkii dhexmatey Roberto Mancini Mario Balotteli link-ga Video-ga hoose ka daawo.HALKAN KA DAAWO VIDEO

Yaasiin Faradheere
SBC News Stockholm