Xiriirka ciyaaraha kubada cagta wadanka Ingiriiska ee loo yaqaan Football Association ayaa ganaax culus waxay dul dhigeen macalinka daadihiya kooxda West Ham oo ka mid ah kooxaha hardanka ugu jira ku sii jiritaanka horyaalka Premiership-ka.

Ganaaxa la dul dhigay tababare Avram Grant oo ka soo jeeda Isra’il ayaa ka dambeysay ka dib markii uu dhaliil dusha uga tuuray mid ka mid ah garsoorayaasha FA gaar ahaan ciyaartii kooxdiisa looga reebay koobka FA ee ay kaga badisey 2-1 kooxda Stoke City.

Avram Grant ayaa si adag u dhaliilay nidaamkii garsoor ee firibi-haye Mike Jones waxaana dhaliisaasi ay dhabaha u xaartey in Grant laga mamnuuco in uu garoomada yimaado gaar ahaan in uu cagta dhigo soohdinta tababarayaasha laba kulan oo ay kooxdiisu ciyaarayso, iyadoo sidoo kale qoorta loo suray in uu bixiyo ganaax lacageed oo ku dhaw 10 kun oo doolar.

Grant oo kooxdiisa ay ku jirto sadexda kooxood ee ugu hoseeya liiska kala horeynta kooxaha Premiership-ka wuxuu ka maqnaan doonaa kooxdiisa ciyaaraha ay la galayso kooxaha Bolton & Aston Villa.

Dhinaca kale maamulka kooxda West Ham ayaa shaaca ka qaaday inay baaritaan ku sameyn doonaan warar sheegaya in falala aflagaado quursi & qabweyni ah oo lagula kacay qoysaska laba ciyaartooy oo ka tirsan kooxda kuwaasi oo saftey kulankii Man United ay 4-2 kaga badisey kooxda West Ham.Qoysaska ciyaaryahan Obinna oo ka soo jeeda Najeria iyo  Freddie Piquionne oo ka soo jeeda Faransiiska ayaa la sheegay inay aflagaado dhanka midibka ay kala kulmeen taageerayaasha kooxda West Ham oo xiligaasi lagu ciyaarayey gurigooda Upton Park, waxanaa la cadeeyey in haatan maamulka West Ham ay baaritaan ku sameynayaan kaamiroonka loo yaqaan CCTV ee ku rakiban garoonka iyagoo sheegay inay talaabo ka qaadi doonaan cid kasta oo ay ka cadaato falalkaasi sinji faquuqa ah ee loo geystey familada labadaasi ciyaartooy.

 

 

Mowliid Xaaji Cabdi
mowliidsons@gmail.com