Hoolka jaamacada Bariga Afrika Faraceeda magaaalada Garoowe waxaa maanta ka Furmay Tababar ku saabsan Tirikoobka oo socondoona muddo 2 bilood ah oo ay ka qayb galayaan 15 sarkaal oo ka kala socda Wasaaradaha iyo Baarlamaanka Puntland .

Tababarka oo ay maal gilisay  hay’ ada UNFPA ayaa waxaa ka hadalay mas’ uuliyiin ka kala socotay jaamacada bariga afrika hay’ ada UNFPA iyo saraakiil ka socotay wasaaradaha Dowladaha  puntland.

Ugu horaytii waxaa tabar ka daah furaya gudoomiyaha jaamacada bariga afrika qayb teeda magaalada garoowe Sheekh Maxamuud Xaaji Yuusuf waxaa uuna ugu horay tiiba  ka hadalay ah miyada ama muhiimada uu barnaamijkaan statisticska tirakoob ka  uu leeyahy  isagoona xusay in haddii aan xog aan lahayn aan waxba la qorshayn Karin haddii uu san qorshe jirina wax hormar ahna uu san imaanayay.

Shiikha ayaa waxaa uu Dardaaran u jeediyey Ka Qaybgalayaasha in ay ka Faaiidaystaan madaama uu Yahay Wajigii Sadexaad ee Barnaamijkan ,

Maamulaha ayaa waxaa uu u mahadceliyey Madaxda Wasaradda qorshaynta iyo Haya’da UNFPA  ka ay ka qaadatay Mashruuca iyadoona maamulka jaamacada bariga afrika qaybteeda garoowe ayaa u mahada celisay hay’ada UNFPA Iyo wasaarada qorshaynta.

Tababarkaan oo ay ka faa’iidaysandoonaan shan iyo tobon sarkaal oo ka kala socda wasaaradaha iyo baarlamaanka uguna baranayo tirakoobka waxaa sidoo kala ka hadashay wakiil ka hay ada UNFPA Baxsan Axmed Saciid  waxaana ay ka soo qayb galayaasha aad ugu guubaabisay in ay ka faa’ iidaystaan,a mashruucaani lagu baranayo statisticka misana tirakoobka waxaana ay baxsan in taasi ku dartay in waqtiga ay ilaaliyaan .waxaa sidoo kale sheegtay in haddi i barnaamijkaan uu guulaysto ay sii wadi  doonaan maalgilinta iyo waliba in sare loo  sii  gudbo, baxsan ayaa sidoo kale sheegay in loo  baahanyahay in waqtiga la dhowro.

Ugu damayntii waxaa si rasmi ah u furay tababarka wakiilka kasocday wasaaradda qorshaynta oo lagu magacaabo cadur aadan cadur isagoona xusay inay wasaaradu balanqaadayso dadka tababarka qaata iany hogaamin doonaan survesyada iyo xog ururinadda ka dhacidoonta puntland.

Agaasimaha Waaxda Maamulka ee MOPIC Caduur Aden Caduur  ayaa ka Hadlay Faaiidada uu u leeyahay Puntland Barnaamijkan waxaana uu sheegay in Dadka ka soo Baxa Barnaamijkan ay Hogaamin doonaan Xog uruurinada ay Dowladu Samayndoonto.

Tababar ka maanta ka qab soomay xarunta jaamacada bariga afrika faraceeda magaalada garoowe ayaa waxaa uu socondoonaa mudo 2bilood ah oo ay mashruuca ka faa iidaysan doonaa  saraakiil ka socday wasaaradah puntland iyo baarlamaanka oo ay ku barandoonaan mashruuca tirakoob ka 
 
Cabdi Casiis Ibraahim Axmed  (C/casiis Okey) .
SBC International Garoowe