Waxaa  galabta lagu soo gabagabeeyey gaalada garawe tababar  agaasimayaasha guud ee ee wasaaradaha Puntlnd xubno ka socday gudiga ku meel gaarka ah ee doorashooyinka puntlnad kaasi oo socday mudo sadex bari oo ay fulinaysay haayada NDI oo 54dal kala shaqaysa dhanka dimuqraadiyada dhawaana puntland soo degtay

Xiritaankii tababarka ayaa waxaa ka qayb galay madaxwayne ku xigeen Puntland C/samad Cali Shire iyo inta badan xubnaha golaha wasiirada

Wasiiru dowlaha dastuurka iyo arimaha federalka Cabdi Xasan Jimcaale ayaa shegay in uu wakhtibadan galiyey sidii ay haayada NDI  u soo degilahayd Puntland iyad oo horay uga shaqayn jirtay magaalada Muqdisho oo kaliya waxaana uu sheegay in horay u qabtay tababaro hore oo muhiim u ahaa puntland iyaga oo markii ugu horeysay tababar ufurtay qaar kamid ah golaha wakiilada Puntlad`

Waxaana uu intaa ku daray in tababarkaan waxbadan ay ka faaideen dhamaan xubnihii ka qayb galay oo uu ku amaanay in ay siwanaagsan uga faaidaysteen

Madaxwayne ku xigeenka puntland cabdi samad cali shire oo gabagabadii hadal ka jeediyey ayaa sheegay in uu codsanayo waxii laga faaiiday tababarkan in ay kula laabtaan wasaaradahooda si uu u noqdo mid miro dhala

Isagoona ku amaanay hayada qabtay tababarka sida wanaagasan ay muda gaaban ee puntland daganaayeen wax wanaagsan qabteen puntland ay codsanayso in ay horay usii wadaan

Dadka ka qayb galay tababarkan ayaa sheegay in ay ka faaideen  aqoon heer sare ah isla markaana anfacaysa shaqooyinka ay u hayaan wasaaradaha dowlada

Waxaana ay noqonaysaa markii ugu horaysay ee agaasimayaasha wasaaradaha Puntland ay ka qayb galaan tababar noocaan oo kale ah oo ay ku baranayeen sida loo maareeyo dakhliga wasaarada hooda iyo guud ahaaaba habka loo maamulo dhaqaalaha

Maxamed Siciid Yuusuf
SBC International Garoowe