Tababarkan ayaa waxa uu soconayey mudo labo malmood ah wuxuuna kasoconayey Dugsiga Hoose Dhexe ee Xaaji Mire School ee Magaalada Boosaaso, waxaan taba barkan ka faaidaysanyey Dad isgu jira Rag iyo Dumar kuwaasi oo loo sii carbinayey sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen, ololaha maalmaha caafimaadka Caruurto gaar ahaan talaalka oo dhawaan si rasmi ah uga furmidoona Deegaanada Puntland .

Dadka ka faa’idaysanayey Taba barkan ayaa waxa ay dhamaantood ka hawlgalidoonan Gudaha Magaalada Bosaso .

Isuduwe Kuxigeenka Wasaarada Caafimaadka Gobolka Bari Dr Siciid Maxamad Waraabe oo kusugnaa goobtii lagu soo gaba gabeynayey taba barka ayaa Waxa uu warbaahinta u sheegay in uu maanta si rasmiya uu usoo gaba gaboowbay taba barkii labada maalmood usoconayey hawlwadeenada loo carbinayey qaadida talaalka.

Isuduwe kuxigeenka Wasaarada Cafimaadka ee Gobolka Bari Dr Siciid ayaa waxa uu sheegay in tirada ka faa’idaysatay taba barkan ay yihiin in kabadan Sadex boqol oo qof oo loogu tala galay in ay qaadaan talaalka .

Talaalka ayaa waxaa lafilayaa in uu 17 Bishan aan kujirno oo ku beegan Maalinta Axada uu si rasmiya uga furmo Guud ahaan Deeganada Puntland .



Cismaan Saalax Ismaaciil
SBC International Boosaaso