Tababarkaan soconayay muddo labada cisha ah oo la xiriira dhibaatada  gudniinka fircooniga  ayaa waxaa  lagu soo gabagabeeyay degmada Tukaraq ee gobolka sool

Tababarkaasi ayaa waxaa fulinaysay wasaarada cadaalada dowlada Puntland waxaana loo qabtay 30 xibnood oo ka kala socotay qaybaha bulshada oo kala ahaa haweenka iyo culimaa’uudinka degmada tukaraq ee gobolka sool.

Intii uu socday tababarka ayaa waxaa doodo kulul oo ku aadan dhibaatada uu leeyahay gudniinka fircooniga dumarka xiliga ay dhaqmaada ku jiraan iyo sida ugu haboon ee loo joojinkaro gudniinkaasi  ay dhaxmartay dadkii ka qayb qaadanayay tababarka

 Waxayna isku raaceen ka qayb galyaasha qaadnayay casharada lagu rabanayay ka hortaga gudniinkaasi inla joojiyo islamarkaasina dadka laga wacyo giliyo

 Agaasimaha wasaarada calaada sheikh ismaaciil xaaji cabdi  ayaa sheegay in barnaamijkaan uu yahay mid Qatar ah  oo uu Qatar ku yahay dhinac kaste haddii diinta ay noqonlahayd dhaqanka iyo caafimaadka dumarkaba dhaqan caada ahn ay tahay oo aan diintana raali ka ahayn.

sheekha ayaa in taasi waxaa uu sii raaciyay si barnaamijkaasi loo xakameeyo  oo qawaaniin ama sharuuca oo sal dhig u tahay diinta islaamka maadaamaa dastuurka puntland uu saldhigiisu yahay diinta islaamka islamarkaasina wixii shareecada islaamka ka hor imaanaya ama laalaaya ay ka hortagto dhaqankaasi.

Agaasimaha wasaarada cadaalada puntland ayaa waxaa uu hadalkiisa sii darray in degmooyin badan oo ka tirsan deegaanada puntland ay sidaasi oo kale ay ugu soo qabteen tababaro ku salaysan gudniinka fircooniga wax ay ka qabto diinta islaamka wax ay ka qabto gudniinka fircooniga joojintiisa iyo dhaqanka gudniinka fircooniga ay samaydoonaan doodo farbadan oo culimada puntland ay iskugu yimaadaan doodaasi kadibna ay go’aan ka qaadan doonaan wasaaradana ay go’aamadaasi ay u gudbindoonta golaha wasiirada kadibna baarlamaanka loo gudbibdoona waxayna noqnaysaa mid hal go’aan oo shareecada islaamka waafaqsan laga qaadan doona mii’ iyo magaalana looga dhaqmidoona.ayuu yiri agaasimaha

Culimaa’uudiinkii iyo haweenkii loo qabtay tababrka ku saabsanaa xakamaynta gudniinka fircooniga ayaa waxaa ay isku wadaraaceen in gudniinkaasi uu dhibaatooyin faradani uu  gaysto haweenka islamarkaasi ay qaadanayaan wax alaalle wixii shareecada islaamka ay ka qabto gudniinkaasi fircooniga ah

Tababarkaan maanta ku soo xirmay degmada tukaraqa ee gobolka sool oo lagu barnayay xakamaynta gudniinka fircooniga kaasi oo loo qabtay haweenka iyo culimaa’uudiika degmada tukaraqa ee gobolka sool ayaa waxaa uu ku soo beegmayaa xili ay wasaarad cadaalada puntland ay waddo tababaro ay u qabanayso haweenka iyo culimaa’udiinka deegaanada puntland kuwaasi oo looga wacyiginayo  gudniinka fircooniga joojintiisa.

 Cabdi Casiis okey
SBC International Garoowe