Waxaa maanta loo qabtay 30qof oo isugu jirtay dhallinyaro ,Arday iyo wadayaasha gaadiidka waawayn Tababar lagu baranayo ka hortaga iyo yaraynta cudurka HIV/AIDSka Waxaana tababarkaani qabanayaya ururka maxaliga ah ee Dareen uuna maalgalinayay Ururgobaleedka Igad Waxaana kulankaasi goob jog ka ahaa madax ka socotay Hay’ada Puntland u qaabilsan AIdSKa ee PAC.

Agaasimaha Guud ee Hay’ada Puntland u Qaabilsan xakamaynta iyo ka hortaga cudurka HIV/AIDSkaC /raxmaan siciid Maxamuud {Dhagawayne } oo tababarkaani furayay ayaa sheegay in cudurkaani uu ugu badanyahay dhallinyarada sidoo kalana xusay in uusan ku fidin oo kaliya cudurkaani Galmada.

Mustafe yusuf madoobe waxa uu ka midyahay macallimiintii waxka bixinaysay tababrkaani wuxuuna sharaxayaa waxa ay barayaan bulshada ka sooq ayb gashay kulankaani  in ay ku baridoonaan ka hortaga iyo yaraynta Cudurka Hiv-ga .

Muddooyinkii ugu danbaysay waxaa ka socday deegaanda puntland dadaalo xoogan oo loogaga hortagayo cudurka dilaaga ah ee HIV/AIDSka iyadoona ay hormuud ka tahay arrintaasi hay’ada Puntland u qaabilsan arrimaha AiskaEe PAC..



Cabdi Caziiz Ibraahim Axmed (Okey)
SBC International Garoowe