Aqoon iswaydaarsigaan  oo loo qabtay Qaybaha kala duwan ee bulshadda oo gaarayey lixdan qof  kana kala yimid  35 tuulo iyo Xafadaha Garowe oo dhamantoodba  hoos yimaada Degmada Garowe kuwaas oo lagu barayo danaha amniga bulshada  ka hortaga walxaha qarxa iyo Haraadiga hubka isla markaasna ay barnaamijkaani waday Ha’yada ka hortaga walxaha qarxa ee Denmarka marka magacooda la soo gabiyana loo yaqaan DDG.

Madaxa Ha’yada DDG Saleebaan xaaji Cabdulle oo ka hadlay furitaankii aqoon iswaydaarsigaan ayaa muhiimad wayn ku tilmamay in dad aan aqoon u lahayn  walxaha qarxa degana meelo ka baxsan magaalooyinka kuwaas oo aan waxba ka garanayn  walxaha qarxa taasina uu ku tilmamay ujeedka Tababarkaani In uu yahay Isagoona Tilmaamay in ay Dadka ay ka  wada Arinsandoonaa Amniga Bulshada Dhexdeeda..

Duqa degmada Garowe C/casiis Nuur Cilmi oo isna hadlay ayaa uga mahad celiyay Ha’yadda Barnamijkani waday kuna dardaarmay ka qayb galayashii in ay ka faa’idaystaan si ay bulshada ay ku noqonayaan ay uga badbaadiyaan hadii ay arkaan walxo qarxa madama lagu barayo dhibaatooyinka iyo aqoonta loo lahan karo minooyinka Duqa Degmada Garowe Cabdi Casiis Nuur Cilmi Ayaa u  Mahadceliyay Hay’adaBixinaysay Aqoonkaroorsigaasi [DANISH DEMINIG GROUP] ee DDG.

Dadkii uu Maanta Ufurmay Tababarka ayaa waxaa ay macalimiintii Bixinaysay tababarka waxaa ay goobtaay ku soo bandhigeen Walxaha qarxa iyo Haraadiga Hubka oo aysan dadkaasiAqoon duragsan ulahayn iyadoona macluumaad farabadan ka siiyay  Dadkii ka qaybgalay Aqoon is wydaarsiga .

Tababarkaan ayaa waxaa uu socondoonaa Muddo Labo Cisha ah kaasi oo ay ka qayb galayaasha Waxaa ay Barandoonaan Aniga Bulshada Ka hortaga Walxaha Qarxa Iyo Haraadiga Hubka Kuwaasi oo ay ka Faa’iidaysandoonaan Dadkii Umaanta Ufurmay Tababarka .

Cabdi Caziiz Ibraahim Axmed  Okey
SBC International Garoowe