Tabarkan oo socday mudo laba todobaad ayaa waxaa xiritaankiisii ka qayb galay masuuliyiin ka socday wasaarada Waxbarashada Puntland oo oo kamid ahaa agaasimaha guud waasarada waxbarashada Puntland C/qaadir Yuusuf Nuux iyo masuuliyiinta jaamacada bariga africa faraceeda garawe

Dadka ka faaidaysatay tababarkan aya waxay ahaayeen ardayda ka gudbaysa shahaada loo yaaqaan Diplomada sare

Ugu horayna waxaa ka hadlay hormuud ka jaamacada bariga Africa farceeda garawe Jamaal Xasan Macalin oo sheegay in uu goob joog ka ahaa mudadii u socday tababarkan isla markaana uu danaynayey sida ay ardaydu diyaar ugu yihiin ka faaidaysaga fursada oo uu sheegay in u qalmaan in bulshada ka hogaamiyaan dhanka wax barashada

Waxaana uu mahad celiyey macalimiintii tababarka bixinayey waxaana uu ku dhiirigaliyey ardaydii tababarka ka faaidaystay in ay siiwadaan korosiga aqoonta si ay u hormariyaan bulshada

Wasiirkii hore ee waxbarashada Puntland Axmed Siciid Awnuur oo ka mid ahaa ardaydii ka faaidaystay tababarkan Ayaa umahad celiyey macalimiintii wax barayey muda labada todobaad ah isaga oo sheegay in ay aqoon wayn ka faaideen

Ugu dambayntii waxaa si soo xiray agaasimaha guud ee wasaarada wax barashada Puntland C/qaadir Yuusuf Nuux ayaa waxaa uu ardayda ku amaanay sida ay ugu dabar adaygeen mudada badan ee ay ku bixiyeen tababarku guulaysto isagoona si gaar ah ugu mahad celiyey ardaydii ka socday maamulka Galmudug isaga macalimiintiina uga mahad celiyey in tacliin muhiim ah bixiyeen isla markaana ay ku dadaaleen in ay isbadal ku sameeyaan wax barashada Puntland si ay u soo baxaan dad aqoon leh

Tababarkan ayaa noqonaya kii ugu horeeyey oo noociisa oo lagu qabto deegaanada Puntland iyada oo la filaya in dadka ka faaidaystay oo badankoodu macalimiinka ah dugsiyada wax barashada asaasiga ah ay isbadalwayn ku samayndoonaan dhanka wax barashada

Maxamed siciid Yuusuf
SBC international Garoowe