Waxaa maanta tababar mudo labo cisha ah socnaya uga furmay xarunta haayada PDRC ee magaalda Garawe wakiilo ka socda bulshada rayidka ah ee Puntland oo kala yimi Dhamaan gobolada Puntland.

Tababarku wuxuu ku saabsanaa fidinta dibmuqraadiyada si bulshada Puntland ugu diyaar garowdo nidaamka cusub ee la fiyo in ay dhawaan Puntland uguuridoonto ee xisbiyada kaasi oo laga gudbayo nidaamkii Puntland ku shaqaynaysay mudadii ay jirtay oo ku salaysnaa qabiilka .

Furitaankii tababarka ayaa waxaa ka qayb galay masuuliyiin ka socota dowlada iyo ha’ayada puntland u qaabilsan cilmi barista ee magaceeda loo soo gaabiyo PDRC oo tababarka fulinaysay .

ugu horayna waxaa ka hadlay furitaankii tababarka agaasimaha haayada PDRC

C/rixmaan Cabdule (shuuke ) waxaana uu sheegay in muhiimada tababarku uu yahay in shacabka Reer puntland ay ka qayb qaataan fidinta dibmuqraadiyada maadama puntland ay u gudbayso nidaamka cusub ee xisbiyada iyadoona ka gudbaysa nidaamkii hore

wasiirka wasaarada arimaha gudaha dowladaha hoose iyo hor umarinta reer miyiga C/laahi Axmed Jaamac (ilko jiir ) oo si rasmi ah ufuray tababarkan labada cisho soconaya ayaa sheegay in dibmuqraadiyada macnaheeda ay tahay in loo sinaado wax walba waxaana uu intaas ku daray in aysan isdiidayn diinta iyo dibmuqraadiyadu loona baahanyahay in Puntland laga hirgalaiyo si loo gaaro nidaamka siyaasiga ah ee axsaabta iyada oo laga gudbayo habka qabaa’ilka ah ee Puntland ragaadiyey.

Muda tababarku socdo ayaa la filayaa in lagu gorfeeyo qodobo dhowr ah oo ay kamid yihiin dimuqraadiyada iyo diinta Puntland iyo dimuqraadiyada

Iyada oo tababarka ay fulinayso ha’ayada Puntland u qaabilsan cilmibaarista ee PDRC oo Daraasado kawada sida bulshada puntland ula jaan qaadikaraan nidaamka cusub ee Xisbiyada badan oo dhawaan la rajaynayo in puntland laga hirgaliyo.

DAAWO

Maxamed Siciid Yuusuf
SBC International Garoowe