Waxaa mantay Iskoolka Xaaji Mire ee Magaalada Boosaaso lagu soo gabgabeeyay Tababar loo qabtay Dadka ka shayn doona Maalmah Caafimaadka Caruurta iyo haweenka,Iyadoo ay dadkaasi dhamaayeen ilaa Shan boqol oo qof isgu jirah Rag iyo Dumar ,waxaana Barnaamijkan wada fulinayay Wasaarada Caafimaadka , Hayada ,WHO iyo UNICEF iyadoo ay dhamaan dadka qaadanayay tabarakan ay ahaayeen dadka iyagu sida tooska ah uga shaqayn doonah Maalmah Olalah Caafimaadka ,

Ugu horanytii waxaa halkaa ka hadlay Madax Hayada WHO ee Gobalka Bari Faarax Cismaan Yuusuf waxaana uu sheegay in hayada WHO iyo Wasaarada Caafimaadka iyo UNICEF inay kawada shaqaynayaan isagoo si gaar ah u sheegay in Hayada WHO ay ka taageerto dhanka dadka ama guruubyada fulinaya tallalka tababarkooda isla markaana ay tahay mid ay inta badan diyaar u yihiin inay sii wadaan shaqa ay u hayaan bulshada isagoo sheegay in dadkani ay ka howl gali doonan Xaafada Magalada Boosaaso ,

Sidoo kale waxaa halkaa ka hadlay Isuduwah Wasaarada Caafimaadka ee Gobalka Bari Siciid Maxamed Waraabe oo sheegay inay tababarkan ay u qabteen sidii ay kor ugu qaadi lahaayeen Dadka bixinay Tallalka isagoo sheegay inay dadkani yihiin dad aqoon u leh barnaamijkan lakin ay kor u sii qadayaan isagoo mahad balaaran u jeediyay Hayadah WHO iyo UNICEF isla markaan ka wasaarada ahaan hawshan ay tahay mid u taala ayana u qabanayaan bulshadooda isagoo xusay in Malmah Olalaha Caafimaadka Caruuta iyo Haweenka dadkana looga baahan yahay inay qaatan tallalka is ay uga fakaraan Caafimaadkood Mustaqbalka .

Iyadoo ay dadku ahaayeen kuwo ku dhiiran inay wax korarsadaan ayaa waxaa halkaa kula kulanay oo wax ka waydiinay tababarkan mid kamid ah dadkaas oo lagu magacaabo Nawaal Shire  siciid ayaa waxay  SBC u sheegtay inay wax badan ka faa,ideen  mahadna u celinyaan Wasaarada Caafimaadka , Hayda WHO  iyo UNICEF iyadoo sheegtay in tababrka ay wax aysan aqoon ka faa,ideen codsanyaana in loo sii wado hadiii uu olalah uu dhaamdo .

Dadkan ayaa waxaa loo tabarayay inay fuliyaan Maalmah Caafimaadka Caruurta iyo Haweenka kaas oo guud ahaan ka bilamayah Deegaanada Puntland iyo soomaaliyaba waxaana laga Tallali donan cudurada kala ah ,Teetanada ,Qiixdheerta ,Dabeesha ,Jadeecada iyo Qowracatada .

Sawiro



Axmed Nuune
SBC International- Boosaaso