Siminaar kan oo ayaa looga had layay wacyigilnita Burcad badeed Soomaalida kaasi oo loo furay 30 haween ah oo kakala yimi Deegaanada Eyl ,Baargaal ,Bandarbayla,Boosaaso iyo Garoowe, siminaarkaan ayaa waxaa soo qaban qaabisay Hay’ada NCA oo Kaashanaysa wasaarada cadaalada,Arrimah Diinta iyo Dhaqan celinta puntland .

Tababarkaani ayaa waxaa uu ka furmay Hoolka shirarka ee Wasaarada Hirumarinta Haweenak iyo Arrimaah Qayska wuxuuna Soconayaa muddoo laba cisho ah.

Furitaanki siminaarkaani ayaa waxaa ka hadlay mas’uuloyiin kakala soco Hay’ada NCA iyo Wasaaradaha kale ee ay qusayso Arrintaani waxayna dhammaanba mas’uuliyiintii ka hadashay goobtaasi  sheegeen in ay dhibaato wayn ku hayso Burcadbadeedu Bulshada qaybaheeda kala gadisan iyagoona kula dardaarmay ka soo qayb gala yaasha inay ka qayba qaataan ladagaalanka iyo Wacyi galinta Burcadbadeeda.

Agaasimaha guud ee Wasaarada Haweenka iyo Arrimaha Qayska ee Puntland C/qaadir Yusuf Daahir oo ka hadlayay furitaani Siminaarkaani ayaa waxaa uu sheegay in Haweenku ay gun dhig u yihiin arrinta wacyi galinta Burcadbadeeda oo uu sheegay inay Socoto muddo Saddexsano ah loona baahanyahay in ay si muuqata uga qayb qaataan wacyi galintaasi maadaama buu yir ay Dumarku Bulshadeena ka yihiin 75%.

Agaasimah Wasaarada Haweenak iyo Horrumarinta arrimah Qoyska ayaa sidoo kale kula dardaarmay inay ka soo qayb Galayaashu ka Faa’iidaystaan fursadaani ayna dib uga faa’iideeyaan bulsho waynta ku dhaqan gobaladii ay ka yimaadeen.

Muddooyinkii ugu danabysay waxaa soconayay Barnaamijyo la xiriira wacyi galinta Burcadbadeeda Soomaalida ee inta badan ka Qowlaysta Gacanka Cadmeed iyo Biyaha caalamiga ah ee ka baxasan Xeebaha wadanka Soomaaliya iyadoona Dowlda Puntland Ay waday dadaalo ku Aadan ladagaalanka Burcadbadeeda iyadoo la kaashanaysa Hay’adaha Caalamiga ah iyo Bulsho waynta ku Dhaqan deegaanaada Xeebaha ah ee ay ku badanyihiin kooxahaasi shufto Badeeda ahi.

Daawo Sawirada




Yusuf Maxamed Maxamud {Yusuf yare}
SBC International Garoowe