Dhakhaatiirtaan iyo saraakiisha ka socday Wasarada Caafimaadka oo ka kala yimid Koonfurta Somaliya iyo Maamulka Puntland ayaa waxaa maanta uu tababar uga furmay Magalada Garowe.

Tababarkan ayaa waxa uu ku saabsanyahy sidii laysaga kaashan lahaa Xakamaynta iyo ciribtirka Cudurka Duumada Ama Malaariyada mudo 6 maalmood xiliyada ay soo kor dhaan Xanuunka Duumada,

C/kariin Xuseen Xasan Waa madaxa Maleeriyada ee Wasarada Caafimaadka Puntland waxaa uu sharaxaad ka bixiyay tababarkan ujeedadiisa oo uu ku tilmaamay mid loogu tala galay xubno ka socda Puntland iyo koonfurta Somaliya si loo sameeyo hadaf Guud oo meel looga soo jeesto Cudurka Duumada ama loogu diyaariyo diyargarow looga hortago hadii uu ka dilaaco Goobaha ay xubnaha ka socdaan  

Faa’iso Cabdi Rashid waxaa ay ka tirsan tahay Saraakiisha ha’yadda Unicef waxayna kula dardaarantay dhakhaatiirtii tababarku u furmay in ay ka faa’iidaystaan barnaamijkaan looga soo wada jeesanayo cirib tirka cudurka Duumada

Agaasimaha Guud ee Wasarada Caafimaadka Dr C/risaq Xirsi oo isna kelmado halkasi ka soo jeediyay ayaa  tilmaamay muhiimada tababarkaan iyo faa’idadiisa.

Waa markii ugu horaysay ee tababar noocan oo kale ah loogu qabto dhakhaatiir ka kala yimid Puntland iyo Bartamaha iyo koonfurta Somaliya oo ah mid hormar u ah dhakhaariita somaaliyeed,

C/naasir Yaasiin Salaad
SBC International Garoowe.