Tababarkaan Ayaa waxaa Uu maanta Ufurmay Dhalainyaro  Tiradoodu ay gaaraysay 40 kuwaasi oo ka kale Yimid Deegaanada Bandarlayla ,Baargaal ,Eyl ,Boosaaso Iyo Garoowe.

Waxaana Inta Uu Tababarkasi Socdo Ay ku Barandoonaan Farsamooyinka Gacanta Sida Koronta Dhismaha Guryaha Iyo Niijaarada Iyadoona ay Muhiimada Tababarka uu Yahay Indhaliyarada Laga Jeediyo Falalka Burcad Badeednimda .

AQoonkorar sigaani oo Socondoona Muddo LIxbilood ah kaasi oo Ka Furmay Dugsiga Farsamada Gacanta Ee Magaalada Garoowe Iyadoona ay  Mashruucaani AY iska Kaashadeen Hay’ada NCA iyo Wasaarada Cadaalada Puntland.

Yuusuf Cabdi Qaadir Xaaji OO ah Madax Hay’ada NCA Puntlad ayaa waxaa uu ka Warbixiyay Muhiimada Tababarka iyo Goobaha ay Dhaliyarada ka kala yimaadeen“Dhaliyaradan waxaa ay kala yimaadeen Deegaanada Eyl,Bandarbayla,Baargaal, Bosaaso iyo Garowe Waxaa  ay Barandoonaan Farsamooyinka Gacanta sida Barashada Korontada,Dhismaha Guryaha Iyo Najiirada ooay baran doonaan Muddo Lixbilood Ah Muhiimada Waxaa Weeye in Xirfaddo loo Abuurro Dhaliyarada si ay san Uga mid Noqon Burcad badeedda iyo Kuwa falalka Amni darada Gaysta Dowlada ayaan marar badan Nagacaawisay hadana si wanaagsan ayay Noocawinaysaa waxaana Tababarka Aan ka wadashaqaynayanaan Wasaarada Cadaalada Arimaha Diinta Iyo Dhaqan celinta Puntland Waa Dafcaddii Lixaad Tababarka waxaan Rajaynayaa in Adka Faa’iidaysandoonaan.

Wasiirku Xigaynka Wasaarada Cadaalada,Arimaha Diinta iyo Dhaqan celinta  Puntlad Maxamuud  Siciid oo si Rasmi ah u Furay Tababarka Ayaa Kula dardaaramay dhalirada in ay ka faa’iidaystaan Tababarka iyo Aqoonta ay heleen.

Mudoonyinkii Ugu Dambeeyay Hay’ada NCA iyo Wasaarada Cadaalaada Arimaha Diinta Iyo Dhaqan celinta Puntland waxaa ay ku Howlanayeen Shaqa u Abuurida Dhalinyarada Si Dhalinyarada Looga weeciyo falalka Burcadbeednimada.






Cabdi Caziiz Ibraahim Axmed
SBC International Garoowe.