Warbaahinta SBC waxaa ay halkan idinkugu soo gudbin Doontaa Taariikh-da Madaxweynihii hore C/laahi Yuusuf Axmed oo ku geeriyooday 04:05Daqiiqo Isbitaal ku yaala Magaalada Abu-adhbi kaasi oo lagu daweynayay Maalmihii ugu danbeeyay.

Madaxweyne C/laahi Yuusuf eebe ha u naxariistee waxaa uu ku dhashay Magaalada Gaaalkacyo Sannadkii 1934-tii sida lagu daabacay Buugag Badan oo lagu qoray taariikhda Madaxweynaha.

Eebe ha u naxariistee Madaxweynihii hore oo waxaa uu iska casilay Xilka Madaxweynaha Soomaaliya Sannnadkii 2008-dii ka dib markii khilaafyo kala duwan ay soo kala dhexgaleen masuuliyiin ka tirsan Dowlada KMG gaar ahaan raiisul wasaaryaashii Xukumadiisa.

C/laahi Yuusuf Axmed Waxaa uu ahaa Siyaasi SOomaaliyeed oo intii uu siyaasada Soomaalida ku soo jiray ahaa Khabiir Dhanka Ciidamada ah waxaana uu tababaro kala duwann ku soo qaaday Dalalka Caalamka Sida:

1954-1956 waxaa Waxbarasho loogu Diray wadanka Talyanaiga

1957 waxaa loo mgacaabay Taliye ku xigeenka Booliska G/Banaadir

1960 Talyaaniga ayuu Waxbarsho Meleteri u tagay ka dibna waxaa uu noqday Taliyaha Booliiska Qebteeda fadhigeedu yahay Gobolada Waqooyiga Soomaaliya

1964 Waxaa  C/laahi Yuusuf loo dalacsiiyay Darajada Gashanle DHexe Waxaana uu u  gudbay Maamulka Dhexe gaar ahaan Wasaarada gaadhaandhiga

1965-1966 Waxaa loo diray waxbarasho Militari Wadanka Ruushka

1968 Waxaa laga dhigay taliyaha Hogaanka Tababarka ee Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliyeed

1969 Waxaa Markale lagu celiyay Gobolada Waqooyiga Soomaaaliya

1969 Xilli ku dhow Curashada Kacaanka waxaa loo Taxaabay Xabsi ka dib eedeyn ka timid Kacaankii Siyaad Barre waxaana uu xirnaa muddo 6 sanno ah

1975-1977 Markii Xabsiga laga siidayay waxaa laga dhigay taliyaha hogaanka gaadiidka iyo dayactirka ee xoogga dalka

1977
Dagaalkii Xoreynta Soomaaliy Galbeed waxa loo magacaabay inuu hogaamiyo Ciidamada Dagaalka waxana uu ka adkaaday Ciidamada Ethiopia waxaana Ciidankiisa ay Gaaareen Gobolka Nagaylle 1978-dii

1978- Waxaa dhacay Inqilaabkii Loo Yaqaanay ‘Inqilaabkii dhicisoobey’ waxana ka dib uu galay Ethiopia

1978-September waxaa uu C/laahi yuusuf uu aasaasay Mucaaradkii ugu horeeyay taariikhada dalka kaasi oo la oran jiray SSF.

1985
C/laahi Yuusuf Axmed waxaa loo taxaabay Xabsi ku yaaala Ethoipia waxaana xiray maamulkii Mangiest Hayla Miriam waxaana uu xabsigaas ku jiray muddo 6 sanno oo kale ah.

1991
Markii uu dhacay Maamulkii Mingiste iyo kii soomaaliya  waxaa uu C/laahi Yuusuf u soo dhaqaaqay Gobolada Waqooyi Bari Soomaaaliye ee Iminka Loo yaqaano Puntland waxaana uu aasaasay Maamul Goboleedka Puntland Sannadkii 1998-dii Waxaana uu Madaxweyne Puntland ka ahaa ilaa loo doortay Madaxweynaha Soomaaliya 2004-tii.

10.10.2004 waxa Kenya loogui soo doortay Madaxweynaha DFKMG ee Soomaaliya taasi oo uu muddo ku taamayay inuu Qabto C/laahi Yuusuf.

C/laahi Yuusuf Axmed intii uu xilka Hayay Soomaaliya waxaa uu wajahay Marxalado adag oo siyaasadeed waxaa uu ka badbaaday isku day dil oo qarax lagula beegsaday Baydhabo.

29.12.2008 Ayuu iska Casilay Xilka Madaxweynaha DFKMG ee Soomaaliya ka dib markii uu Cadaadis uga yimid Beesha Caalamka iyo Dowladaha gobolka.

Wixii ka danbeeyay Iscasilaadiisa waxaa uu Eebe ha u naxariistee C/laahi Yuusuf ku noola wadanka Yemen oo uu ka helay Deganaasho rasmi ah oo uu siiyay Madaxweynihi Hore ee Dalka Yemen Cali Cabdalla Saalax.

23.03.2012
waxaa uu ku geeriyooday Wadanka Imaaraadka Carabta Halkaas oo uu u jogay Howlo CAafimaad sida ay sheegeen Eheladiisa Waxaana weli la qorsheyn halka lagu aasi dono Madaxweyne yuusuf.

FG:Taariikhadan ayaa ah mid aan ka xiganay dad aqoon u leh iyo Buugag lagu qoray taariikha AHN C/laahi Yuusuf wixii ka qaldan waxaad naga sixi kartaa idinkoo noogu soo diraya emailka sbcsomalia@gmail.com tacsidana waxaan ku soo diri kartaa isla emailkaas.

SBC International Monitoring