Taageerid beyaankii beelaha Cisman Maxamud iyo Wabeeneeye ee qaadacadii ka mid noqoshada xubnaha golaha
deegaanka bosaso

Annagoo ah guddiga guud ee beesha Cismaan Maxamuud  iyo golaha odayaasha  ee beesha ee waddanka ingriiska, waxaan si adag taageero buuxda u siineynaa baaqii ay beelaha Cismaan Maxamuud iyo wabeeneeye ay si wada jir ah uga  soo saareen magaalada  bosaso,taariikhdu markey aheyd 17/08/2011 kuna caddeeyeen in ay kaga soo horjeedaan, isla markaana ku qaadaceen ka mid noqoshada golaha cusub ee
deegaanka bosaso,kaasoo ay ku sheegeen in lagu dhisey si sharci darro ah oo ka soo horjeedda xeerka dhismaha golayaasha deegaanka ee Puntland.

Hadaba guddigu markii uu arkey,falanqeeyeyna arrintaan  aan sharciga ku dhisneyn waxay  u soo gudbinayaan  maamulka Puntland arrimahaan hoos ku xusan:–

  • Waxaan maamulka Puntland ku boorrineynaa  in dowladdu aysan sharciga ka talaabsan, masuuliyiinta  maamulka      gacanta ku hayana ayan isu qaadan in ay xeerka ka weyn yihiin. arrintaan oo aan si shaki ku jirin lawada ogsoon yahay inay tahay  bilowga  burburka bulsho.
  • Guddiga beesha Cisman Maxamud ee UK, isagoo og in bulsho deegaan ku wada dhaqan waxa isku hayaa yahay xeer iyo sharci la degsadey,haduu burburana bulshadu aysan ka dambeyneyn,wuxuu guddigu ku adkeynayaa maamulka  Puntland in ay dib u fiiriyaan talaabadaan sharci daradda ah,taasoo ay ka muuqato qadarin la’aanta xuquuqda bulshada beelaha ku dhaqan  bosaso  qaarkood.
  • Guddiga beesha Cismaan Maxamud –UK, waxa uu aaminsan  yahay in labada beelood ee soo saarey baaqaan ay yihiin beelaha deegaankaasi loo yiqiin ee soo jireenka ah,sidaas awgeedna aysan wax  dhibaato ah dhex-oolin beelaha la degan deegaanka bosaso, balse aysan cidna marti ugu noqoneyn aayahooda iyo mustaqbalka degmadooda, la’aantoodna  maamul wax ku ool ahi uusan ka dhismi karin deegaanka.
  • Guddigu waxa uu maamulka Puntland ugu baaqayaa in uu faragelinta ka daayo dhismaha gole xalaal ah oo ay yeelato degmadda  bosaso , balse hadii uu maamulku iska indho-tiro,waxaa cad in ay horseedeeyso halaag iyo  burbur hor leh.
  • Guddiga beesha Cismaan Maxamuud- ee UK ,waxuu soo dhoweeynayaa inay  maskaxda caafimaadka qabtaa shaqeeyso si loo helo nabad gelyo waarta oo ay   kuwada noolaadaan beelaha walaalaha ah ee uu ka dhexeeyo deegaanka  bosaso,si loo noqdo mujtamac meel keliya uga soo wada jeesta danta iyo  horumarka dhismaha degmadda bosaso.

Guddiga beesha cismaan maxamuud, uk.

  1. Maxamed Xassan Ciise
  2. Maxamed Cabdullaahi Cali
  3. Cabdulqaadir Axmed Xaashi
  4. Cali Khaalid Yusuf
  5. Foowzi Faarax Ciise
  6. Salaad Xirsi Yusuf
  7. Cabdulqaadir Maxamuud Daad
  8. Muxyadiin Cabdulaahi Abshir
  9. Saciid Maxamed Geesoole
  10. Axmed Yusuf Madoobe
  11. Shiikh Cabdulaahi Aw- xassan
  12. Maxamed Axmed Faarax
  13. Cabdirizaaq Maxamud Tubaako
  14. Aadan Cabdulaahi Aadan

Odayaasha beesha

  1. Xirsi Muuse Xirsi Boqor
  2. Col. Maxamuud Daad  Ciise
  3. Cumar Maxamuud Cismaan (Alteso)
  4. Abshir Siciid Xaaji Aadan
  5. Cabdullaahi  Cismaan Aw-muuse
  6.  Siciid Cawl Maxamed

Guddiga guud ee beesha Cismaan Maxamuud ee UK

Wabilaahi
Towfiiq. London, UK  20/08/2011