Dimishiq:- Wasiirka arrimaha dibadda Syria Waliid Al-mucalim oo shir jaraa’id ay si wadajir ah u qabteen dhigiisa dalka Colombia iyo Venezuela ayaa ka digay in xukuumadda Dimishiq ay ula dhaqmi doonto si lamid ah dowlad kasta oo aan ixtiraamin heshiisyada Vienna ee ilaalinta ergada dublumaasiyiinta.

Waliid Al-mucalin ma uusan sheegin nooca talaabada dowladda Syria ay ka qaadi doonto dalalka aqoonsada golaha qaranka mucaaradka ee ay dhiseen kuwa diidan xukuumadda bashaar Al-asad.

Sidoo kale Mucalim waxa uu tilmaamay in uusan ogeyn qorshe dowladda Russia ay wado ay ku dhexdhexaadinayso mucaaradka iyo xukuumadda Syria.

Dhanka kale madaxweynaha dalka Syria Bashaar Al-asad oo isna la kulmay wasiirada arrimaha dibadda dalalka cuba iyo Venezuela ayaa sheegay in Syria ay qaadi doonto talaabooyin ay ku furfurayso kooxaha hubaysan islamarkaana ay sameenayso dib u habeen siyaasad.

Madaxweyne Asad ayaa ku eedeeyey xoogaga reer galbeedka in aysan daneenayn isbedel siyaasadeed balse ay ku qasbayaan Syria in fulinta ajandayaashooda wax u dhimaya amniga gobolka.

Asad ayaa ku nuuxnuuxsaday in xukuumadiisa ay bilowday isbedel aysan kulugu lahayn fargelin dibadeed.

 Ustaad C/xakiim Maxamed Cumar
SBC International Monitoring