Maamulka Dawlada Hoose ee gobolka Stockholm ee caasimada wadanka Sweden gaar ahaan  xaafada Fittja ee degmada Botkyrka ayaa ku dhaqaaqay talaabo aad ay u soo dhaweeyeen Ummadaha Islaamka ee dunida ku dhaqan gaar ahaan dalka Sweden ka dib markii loo ogolaaday maamulayaasha Masjidka The Fittja Mosque in Aadanka Salaada laga maqlo banaanka masjidka ama Minaaradaha, halkii markii hore codbaahiyaha laga maqli jiray oo kaliya gudaha Masjidka.

Booliiska magaalada Caasimada ah ee Stockholm ayaa ku dhawaaqay go’aanka Masjidkan oo ah kan ugu Minaarad dheer qaarada Yurub in laga maqlo Aadanka Salaada maalinta Jimcaha ah oo kaliya, iyadoo arintan dhaqan gashay maalinimadii shaley ee Jimcaha aheyd (26.04.2013)
sweden_mosque

 “Aad ayaan ugu faraxsanahay ugana mahadcelinayaa” ayuu yiri Islail Okur oo ah madaxa golaha Islaamiga ah ee deegaanka Botkyrka oo la hadley wakaalada wararka ee TT.

 Booliisku waxay sheegeen in Masjidka loo fasaxay in laga maqlo Aadanka Salaada sadex ilaa shan daqiiqo Salaada Jimcaha inta u dhacaya 12-ka duhurnimo ilaa 1-da duhurnimo, waxaana arintan ay dhaqan gashay isla Jimcadii shaley.

Maamulayaasha dawlada hoose ee magaalada Botkyrka waxay sheegeen in go’aankan ay u qaatey markii ay u qiimeeyeen inaanu aheyn mid siyaasadeed balse ay tahay arin bulsho.

sweden_mosque3

Boqolaal Muslimiin ah oo farxad ugu soo baxay Masjidka markii ay banaanka ka maqleen Aadanka Salaada

Masjidka The Fittja Mosque waxaa la dhisay sanadkii 2007-dii waxaana ku tukan kara halkii mar 1500 oo qof, waxaana gacanta ku haya hay’ad Islaami ah oo ay maamulaan dad asalkoodu ka soo jeedo Turkiga balse haysta dhalashada dalka Sweden

Arimaha la yaabka leh ee dadka Muslimiinta ee Sweden ku farxeen waxaa ka mid ahaa iyadoo Aadankii ugu horeeyey ee shaley laga maqlay Masjidka banaankiisa si toos ah looga baahinayey Telefishinka dawlada Sweden, kaasi oo u soo gudbiyey min bilow ilaa dhamaad Aadankii salaada Jimce.

“Wadanka Sweden waxana ku noolaa mudo 25 sano ah, waxayna aheyd markii ugu horeysay dhagaheygu maqlaan Aadanka Salaada oo laga maqli karo Minaarada, aad ayaana ugu faraxsanahay” ayay tiri Guluz Kayhan oo wakaalada wararka ee Anadolu la hadashay iyaodo ilmo indhaheeda ka soo burqanayso.

“Tani waa maalin taariikhi ah” ayuu raaciyey Iman Upmann, oo ah nin u dhashay Sweden oo balse 13 sano ka hor qaatey diinta Islaamka.

sweden_mosque2

Talaadan waxay ka dhigaysaa wadanka Sweden wadankii ugu horeeyey ee ka mid ah dalalka Reer Galbeedka ee u ogolaada Muslimiinta ku dhaqan dalalkooda in Aadanka Salaada laga maqlo meel ka baxsan gudaha Masjidka.

Sanadkii 1994-kii ayay aheyd markii wadanka Sweden gees loo riixay oo la diiday dalab ka yimid umadaha Muslimiinta ee wadankaasi ku dhaqan kuwaasi oo dalbadey in loo ogolaado in Aadanka Salaada laga maqlo Masaajidyada banaankooda.

Golaha Islaamka dalka Sweden waxay sanadkii 2009-kii sheegeen in wadankaasi ay ku nool yihiin 106,327 (Boqol lix kun, sadex labaatan iyo todobo qof), laakiin warbixin Mareykanka ka soo baxdey waxay ku sheegeen Muslimiinta Sweden 450 kun ilaa 500 kun, taasi oo ka dhigaysa in Muslimiintu ka noqonayaan 5% bulshada ku dhaqan dalkaasi ee gaaraya 9-ka milyan ee qof.

Yaasiin Faradheere
SBC International Stockholm