Maamulka degmada Boosaaso ayaa maanta waxa ay ku wareejiyeen suuq cusub qaar ka mid ah Barakacayaasha ku sugan gudaha magaalada Boosaaso Barakacayaashaas oo ku sugan shan kaam oo ay ugu horayso kaam Shabeelle kuwaasoo ku ganacsan doona suuqaas.

Duqa Magaalada Boosaaso Maxamuud Faarax Maxamuud oo ka hadlayay isla suuqaas gudihiisa ayaa warbaahinta u sheegay in suuqaas loogu talagalay dadka Barakacayaasha gaar ahaan kuwa danyarta ah oo ay ugu horeeyaan kuwa ilmooleyda ah si ay noloshooda u dabaraan inta ay gacan shisheeye sugi lahaayeen .

Gudoomiyuhu waxaa kaloo uu kula dardaarmay dadkii lagu wareejiyay suuqaas oo ku sugnaa goobtaas in ay xafidaan suuqaas oo ka kooban qolol badan, barxado iyo Musqulo iyo waliba goobo loogu talagalay in lagu iibiyo hilibka kaluunka suuqaas oo inta badan u dhamaystirnaa goobihii ganacsiga sidoo kale in ay u ilaaliyaan suuqaas sidii wax ay leeyihiin oo kale waxaa kaloo uu intaasi ku daray in Kaamamka kalena loo samayn doono suuqaq halka kuwa kalana ay leeyihiin goobp ganacsi.

Maxamuud faarax Maxamuud waxaa kaloo uu sheegay in suuqaas dhismihiisa ay iska kaashadeen dawlada hoose ee degmada boosaaso iyo hay,ada UNDP uuna ugu mahad celinayo cid walba oo ka qayb qaadatay suuqaas waxaa isna halkaasi ku sugnaa ku xigeenka duqa boosaaso Cabdiqaadir Daahir yuusuf iyo masuuliyiin ka socota hay,ada UNDP.

Daawo Sawirada.

Maxamed Cali Iimaan
SBC International Boosaaso