Khartoum:-Xukuumadda Sudan ayaa ku gacan seertay warbixin ay soo saartay QM oo ku aadan in ciidamada amaanka Sudan ay xadgudubyo ka geysteen koonfurta Kurdufaan.

Afhayeen u hadlay xukuumadda Sudan ayaa sheegay in aysan duqeyn ciidamadooda waxaan ka ahayn goobaha falaagada ay ku sugan yihiin.

Afhayeenka ayaa intaas ku daray in ciidanka Sudan ay wadeen sugidda amaanka koonfurta kurdufaan balse ciidanka falaagada ay ahaayeen kuwii soo weeraray dadka rayidka h balse aysan ahayn ciidamada Sudan.

Dhanka kale koox sheegtay in dusha kala socotay dhacdooyinkii Kurdufaan ayaa sheegtay in ay sawireen macluumaad ay kamid yihiin sawiro muujinaya xabaal wareedyo koonfurta kurdufaan.

Kooxda ayaa ku eedeysay dowladda Sudan in Ciidamo soo dhoobtay koonfurta, meesha lagu magacaabo Kordufaan, oo gobolka ay xuduudda kala leedahay degaanka Darfuur.

Koonfurta Kordufaan, ayaa ah goob ay si weyn ula degeen dagaalada u dhexeeya dawladda iyo kooxaha ka soo horjeeda, halkaas oo ay ku hardamayeen ilaa iyo sanadkii 2003, halkaas oo sida ay warbixinta UN-ku sheegeyso ay ku geeriyoodeen 300,000, ayna ku gurya beeleen ilaa 2.7 milyan oo dad ah.

Gobolka Koonfurta Kordufaan waxaa ka buuxa shidaal, balse inta badan dadka deegaanka ayaa taageerayey dhinaca koonfurta intii uu socday dagaalka mudada dheer ee dalka Sudan ka socday.

 

Ustaad C/xakiim Maxamed Cumar
SBC International Monitoring