Kooxda SaveOurSeafarers oo ah olole ku aadan badbaadada badmaaxiinta ama badmareenada ayaa warsaxaafadeed ay soo saartey waxay kaga hadashay dhibaatada kooxaha burcad badeedku ku hayaan badmaaxiinta.

Dhimasha Badmareen kordheysa inta ay burcad badeed Soomaliyeed afduub, jir dilyo, gardarreysi & dil wadaan

War Jaraa’id30 Juunyo 2011

Dhimasha Badmareen kordheysa inta ay burcad badeed Soomaliyeed afduub, jir dilyo, gardarreysi & dil wadaanWar Jaraa’id30 Juunyo 2011 62 badmareen ayaa dhimatay afartii sanoo la soo dhaafay taasoo ka dambeysay fal burcad badeed ee Gacanka Cadan iyo Badweynta Indiya, si ula kac ah u dileen burcad badeedyo, isdil inta la haystay, dimasho ka timid nafaqadarro iyo jiro, dhimasho ka timid hafad, ama wadne istaag ka dib isla markii la afduubay.

 Tirsigan qaracanka ah waxa uu dhaliyay in ganacsatada hawlaha maraakiibtu xoogga saaraan olole lagu babdaabinayo Badbareenta loogu baaqo dawladaha adduunka sidii ay waxa uga qabanlahaayeen arrimaha burcad badeedka. “Isla waqtigan gudihiisa, in ka badan 3,500 badmareen ayaa xoog lagu kaxeystay una qabsadeen  dambiilayaasha burcad badeedku si la hayste ahaan, ayagoo u geystay dhibaatooyin sida in loo istimaalay sidii gaashaan baniiaadan, laguna qasbay in si xoog ah loogu istimaalo markabkooda sida markabka ay u isticmaalaan saldhig ay kaga soo duulaan ayadoo ay burcad badeeku hogaaminayaan markabka, iyo in la mariyo dhibaatooyin xagga maskaxda iyo jirkaba,” ayuu yiri Giles Heimann, Guddoomiyaha ololaha SOS [Badbaadi-Badmareenadeena].

“Boqolaal ka mid ah badmareenadan ayaa waxa la lagu sameeyay jirdilyo aad u foolxun ay ka midyihiin in la soo lalmiyo markabka dhiniciisa ayagoo ka xiran anqawyada, lagu xiro qolka qaboojiyaha markabka, in looga xiro qooraha, la garaaco, la feero iyo in la harraatiyo.  Intooda badan badmarrnadu waxa ay ku sugnaadaan qalqal iyo in ay ku noqon Karin shaqadoodii badmareenimada wax badan ka dib marka afduubku dhamaado, hadiiba uu dhamaado.” Dpendra Rathore, 22 sano-jir Hindi ay oo ahaa layli dhusha markabka, waxaa la haystay 8 bilood dusha markabka Merida Marguerite.  Waxa uu ka mid yahay kuwa ay dhibaatada u geysteen burcad badeedku.

“Da’da aan ku jiro weli waxa aan u adkeystaa xanuun…marka aan arkay dad laba jibaar da’dayda ah oo la jirdhilyeynayo, ooyaya iyo baryaya macaawino waa waxa i dejiyay.  Aad ayaan uga xumaaday balse wax aan ka qaban karay ma jirin, aan ahayn in aan u duceeyo…waxaana timid markii aan lumiyay iimaankeygii aana istaajiyay in aan sii duceeysto.”

Dipendra waxa uu mar kale helay iimaankiisi, waana mid ka mid ah kuwa diiday in ay u ogolaadaan tuugtaas in ay guuleystaan waxaana uu go’aansaday in uu ku noqdaa badda.

 Kuwa kale laga yaabee in aaysan ka soo kabsaninin dhibaatada maskaxeed iyo in ay lumiyaan nolomaalmeedkooda intii ay ku noqonlahaayeen badda. Heimann waa sii waday:

“Waa wax aa u xun, aana guudahaan la ogolaan Karin, in ay dad caadi ah oo shaqo maalmoodkoodi wataa ay la kulmaan waxyaabahaas buqdinta lah.

 Waxaa jira in ka badan 100,000 badmareen ah marba waqti ama isu diyaarinayo in ay maraan aagan (tababar iyo fulin waxa lagu magacaabo ‘adkeynta’ markabka sida difaaca qaabka), ama toos ahaan uga gudbayo biyahan. 

Ayadoo la tixgelinayo dareenka qoysaskooda, waxa aad haysataa ilaa nus malyuun dad ah maalin waliba oo ku walaacsan baqdin la xiriirta burcad badeedka Soomaaliyeed.” Ganacsatada hawlaha maraakiibtu waxa ay weli wadaan in aqoonsanaadaan una riyaaqaan waxqabadka iyo taageerada ay ka ciyaarayaan ciidamada badda ee aaga. 

Hase yeeshee waxqabadkooda waxa wiiqay awood siyaasad la’aan ee dawlada badan in ay ogolaadaan in la qabto lana ciqaabo burcad badeedka lagu qabtay aygoo gacanta kula jira fal dambi ah.  Tani sidoo kale waxa ay xanibeysaa hawlaha ciidamada badda/xoogga in aan ka badneyn layli ah ‘qabo iyo sii daa’ kaasoo hakiya dhantaalana burcad badeedka muddo kooban oo keli ah.  Inta badan ee burcad badeed la qabtay sidaas ayaa loo sii daayaa.

62 kan dhimasho oo qaracanka leh waxa ay ku timid si toos ah ay keentay falka burcad badeedka, balse waa qabad la’aanta dawladaha ogolaaday in burcad badeed u kordhaa si loogu hakinkarin aagan.  Waa waqtigii la istaajin lahaa waxakan aan la qaadankarin.  Waa waqtigii ay dawladuhu qaadan lahaayeen in wax qabtaan.   

Waa waqtigii ee qof waliba ee naga mid ah uu u istaagi lahaa badmareenada inoo keena qalabka aan u baahanahay malin waliba.