Doowlada Soomaaliya iyo Masar ayaa gaaray heshiis ku aadan dhanka Xoolaha, waxaana heshiiskaan uu dhigayaa in Xoolaha Soomaaliya hada wixii ka dambeeya loo dhoofin doono dalka Masar.

Wasiirka Xoolaha Dowladda Fedraalka iyo Wasiirka Xoolaha Masar, ayaa magaalada Qaahira ku kala saxiixday heshiiska ku saabsan dhoofinta Xoolaha Soomaaliya.

Wasiirka Xoolaha Soomalaiya ayaa sheegay in Dowlada Masar ay u ballan qaaday ineey gacan ka geysan doonto dib u dhiska Warshadaha Xoolaha iyo Malaayga, kuwaasoo ku bur buray dagaaladii sokeeye ee Dalka ka dhacay.

Xoolaha nool ayaa ah meelaha ugu badan ee dhaqaalaha kasoo galo Soomaaliya 40%, waxaana sanadkii Soomaaliya ay dibada u dhoofisaa malaayiin xoolo ah, kuwaasoo inta uga badan laga raro Dekedaha Boosaaso iyo Berbera, waxaana lacagta kasoo xarooto lagu qiyaasaa $250 million sanadkii.