Xubno ka tirsan golaha Wasiirada Maamulka La baxay Soomaaliland ee gobolada Waqooyi galbeed Soomaaliya Ayaa Hadal Jawaab celin u muuqday ka jeediyay xaflad jaamacadeed ka dhacday habeen nimadii xalay gudaha Magaalada Hargeysa.

Wasiirka madaxtooyada Maamulkaasi Xirsi Cali Xasan ayaa muujiyay in sida uu uga xumaaday Hadal waano ahaa oo dhowaan uu u jeediyay Shacabka Reer Soomaaliland Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud .

Hadalka uu Madaxweyne Xasan Sheekh ka sheegay Muqdisho ee sababtay in wasiirkan ka tirsan maamulka Soomaaliland uu Afka Furto ayaa ahaa mid uu u jeedinayay shacabka gobolada waqooyi ee dalka islamarkaana ku aadanaa in ay ka fogaadaan waxyaabaha cusuriyada Ama Caadifad abuuri kara, kana shaqeeyaan arimaha midnimada iyo israaca Soomaaliweyn.

Wasiirka Madaxtooyada Soomaaliland Xirsi Cali Xasan

Wasiirka Madaxtooyada Soomaaliland Xirsi Cali Xasan

Wasiir Xirsi Cali Xasan ayaa difaaca maamulkiisa iyo shacabka dega deegaanada uu maamulo isagoona sheegay in aysan u dhalan wax caadifad ah, hadalada ka soo yeeray Xasan Sheekhna uu ku tilmaamay kuwo aan meel loodayan waasida uu hadalka u dhigaye.

Waxa kale oo uu wasiirkani ku celiyay in Soomaaliland ay goosatay dibna aysan u soo noqoneyn waa sida uu hadalka u dhigaye, islamarkaana ay tahay go’aan ay bulshadeeda goosteen.

Maalin nimadii ay ku beegneyd 18kii bishan islamarkaana la xusayay sanadguuradii 22 intii masuuliyiintiisa Maamulkaas ku dhawaaqeen in ay goosteen balse aanu jirin wax ictiraaf ah ayaa madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ku dhawaaqay Go’aanka Xukuumada Federaalka ah ee uu madaxweynaha ka yahay ka qaadatay Maamulkaasi isagoona tilmaamay in dowladiisu mar walba u taagantahay Midnimada Soomaaliyeed wax goosasho ahna aysan jiridoonin.

SBC International News Desk