Horey waxaa u kala qeybiyay qadiyad qabiil iyo xuduudo been ah oo barta ay ku dhamaadan aan la aqoonin oo ay sameeyeen hogaamiye kooxeedyo dambilayaal ah iyo shaqsiyaad aan masuul aheyn, muraayada inay iska arkaan doonaayo oo muslimiin isku sheeg ah, laakiin hada waxay dadka Soomaaliyeed ku midoobeen dantooda, taas oo dib u dhalisay qaran ku dhawaaday in qaarada aduunka ay ka tirtiraan dagaalada socday 20 sano.

Banaanbaxyo lagu taageerayo, Raysul-wasaaraha hada xafiiska hayo, Maxamed Cabdullahi Farmaajo ka dib markii gudoomiyaha barlamaanka iyo madaxweynaha dowladda ay saxiixeen heshiis iyaga kaliya waqtiga u kordhinaya, ayaa ruxay magaalada caasimaha ah iyo kuwo kale oo waaweyn, sida Gaalkacyo, Baledweyne iyo Dhoobleey oo haatan matasha magaalada Kismayo, oo dagaalyahanada Alshabaab ay ka dhigeen Xabsi Kor ka furan.

Mudaharaadyada ayaa sidoo kale ka soda warbaahinta dadweynaha, Facebook, halkaas oo bogga lagu taageero Maxamed Cabdullahi Farmaajo uu soo jiitay taageerayaal fara badan oo kor u dhaafay 5,000 dadkaas oo kala jooga magaalooyinka laga helo qadka internet-ka ee Soomaaliya iyo daafaha dunidda.

Alshabaab, oo ah urur xag-jir ah oo dulqaadka dadka mucaaradsan fikirkooda uu aad ugu yaryahay oo xukumo inta badan bartamaha iyo koofurta Soomaaliya ayaa maanta qarax ismiidaamin ah ku dilay Wasiirka arrimaha gudaha iyo aminiga qaranka Cabdishakuur Xassan Faarax xili uu gurigiisa ku sugnaa.

Darawalka wasiirka ayaa u sheegay warbaahinta in qaraxa ay fulisay gabar ay qaraabo yihiin wasiirka dhintay, oo inta badan aan aad loo baari jirin marka ay soo galeyso xaafada ay ku nooleyd oo ah halka uu wasiirku deganaa.

Muranka ku saabsan qaabka looga gudbi karo muddada ku meel gaarka ah ayaa bilowday bishii February ka dib markii Sharif Xassan uu baarlamaanka ku marin habaabiyay inay waqtiga dheereystaan mudo 3 sano ah, taas oo Raysul-wasaare Maxamed Farmaajo gaashanka ku dhuftay.

Heshiiska ayaa waxaa ka faa’ideysanaya shaqsiyaadka burburka kaliya u taagan, oo ay horboodayaan Sharif Xasan, gudoomiyaha barlamaana iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur, wasiirkii hore ee iskaashiga caalamiga oo isagu bada Soomaaliya u saxiixay dalka Kenya sanadkii 2009.

Shaqsiyaadka u gurbaan tumay heshiiska Kampala oo uu ka midyahay, wasiirkii hore ee beeraha Mustaf Dhuxulow oo ah nin hadba cida uu dantiisa ka arko isbaheysi la noqdo ayaaa doonaya in dalkeena ay ku sii riixaan 10 sano oo rabshado kale ah, taas oo aad uga careysiisay dadka doonaaya in la soo afjaro xaalada bini’aadanimo ee aduunka ugu xun, dilka iyo musuqmaasuqa.

Madaxweyne Sheekh Sharif sheekh Axmed iyo Raysul-wasaare Maxamed Farmaajo ayaa soo jeediyay in laamaha dowladda oo dhan loo kordhiyo mudo sanad ah si loo dhameystiro guulaha laga gaaray dagaalada Muqdisho iyo wadanka intiisa kale looga saarayo dagaalyahanada Alshabaab, fikirkaas oo soo jiitay taageerada dad badan oo Soomaali ah, wadamada deriska iyo dalalka dhaqaalaha ka siiya dowladda.

Ali Yaasiin, oo ah saxafi Soomaaliyeed oo ku sugan dalka Sweden ayaa oohin iyo shucuurtiisa oo aad isku badashay ka joojisay qudbad uu u jeedinayay boqolaal xubno ka ah bogga lagu taageerayo Raysul-wasaare Maxamed Cabdullahi in uunan shaqada sii wado.

Dadka ka cabanaayo heshiiska Kampala ayaa qaarkood ku baaqeen in baarlamaanka la lakala diro, iyagoo ku eedeeyay in xildhibaanada ay ku guul dareysteen in gudoonka ay ka hor istaagaan in dano gaar ah uu u isticmaalo laan muhiim u ah hanaanka dowladnimo.

Zamzam Faarax oo magaalada Columbus ee dalka Mareykanka ku sugan, oo horkaceysa dad abaabulay kulan ka mid ah kuwo xiriir ah oo socon doona inta dalabka dadka laga fulinaayo, ayaa u sheegtay bogga in dadka ka qeybqaadanaaya banaanbax berito 4-galabnimo ka dhici doona halkaas, ay soo xirtaan maryo calanka Soomaaliya ka sameysan si loo muujiyo wadaniyad iyo midnimo.

Caruurta ka qeybgashay shirka teleefoonka lagu qabtay waxaa ka mid ah Sakariye, 12 jir ku sugan magaalada Minneapolis oo u sheegay kulanka Augistine Mahiga, ergayga Qaramada Midoobay iyo Shariif Xassan “ay iska tagaan”, isagoo intaas sii raaciyay “Soomaaliya anagaa leh”.

Sadiiq Cabdulaahi Muuse oo xubin ka ah bogga ayaa taageerayaasha u sheegay inay doonayaan Xubno dhan 2 milyan gaaraya, si ay codkooda iyo waxqabadkooda u kordhiyaan.

Raysul-wasaare Maxamed Farmaajo oo hormuud u ah isbedalada dhacay bilihii la soo dhaafay ayaa wacad ku maray in uu tirtirayo musumaasuqa, isagoo adkeeyay marinka mushaarka iyo gunada askarta dowladda, oo bilihii la soo dhaafay si aan kala go’ laheyn u socotay, taaso oo soo celisay niyada ciidamada xooga qaranka.

Cabdicasiis Xassan
Minneapolis USA