Mayor-kii hore ee magaalada London ee caasimada UK Ken Livingstone ayaa u balanqaaday wafdi Soomaali ah oo uu la kulmay in hadii uu ku guuleysto doorashada soo socta ee uu u tartami dooni xilka Mayor-ka London

Wargeyska Evening Standard ee habeen kasta ka soo baxa magaalada London ayaa ka soo xigtey duqa magaalada Muqdisho Mohamoud Ahmed Nur oo horey la taliye ugu ahaa golaha deegaanka degmada Camden ee galbeedka magaalada London in kulan isaga iyo xubno la socdey ay la yeesheen  Ken Livingstone uu u balanqaaday in uu ku caawin doono Soomaalida basaska gabowga ah ee ay iska badasho hay’ada gaadiidka London ee lagu magacaabo Transport for London TFL.“Waxaan Soomaalida u balanqaadayaa hadii aan ku guuleesto doorashada Duqa ama Mayor-ka London in aan ugu deeqi doono buseska duqoobay oo aan horey ugu deeqi jirnay Dowlado kale, kaasi oo aan kala kaashaneeno Howlwadeeno ka tirsan London Transport” Ayuu yiri Livingstone.Hay’ada Transport for London TFL oo kaashanaya dawlada Britain waxay ugu deeqaan basaskaasi dawladaha soo koroya, iyadoo sadexdii sanaba mar la badalo basaska magaalada London.

Mayorkii hore ee London ayaa muujiyey in suurta galnimada arrinkaasi ay noqon karto hadii uu ku guuleesto doorashada soo socota, waxaana ugu baaqay Soomaalida in ay is diiwaan geliyaan si ay ugu qeyb qaataan codbixinada ka dhacaya dalka BritainMr Livingstone waxuu ahaa Mayorkii ugu horeeyey oo loo doorto duqa magaalada London waxuuna xilikaasi hayey labo xili ama term oo is xiga. waana shaqsi gacan ka geysta sidii uu wax ula qaban lahaa jaaliyadaha kala gedisan ee ku nool dalka Britian gaar ahaan London kuwa minority-ga ku ah wadanka UK.

Mowliid Xaaji Cabdi
mowliidsons@gmail.com