Boqolaal Soomaali ah ayaa maanta buux dhaafiyay masaajidyada iyo goobaha lagu oogayay salaada ciidda carafo magaalooyinka waa weyn ee dalka koonfur Afrika.

Xaafada ay Soomaalida ku badanyihiin ee magaalooyinka Johannesburg iyo Cape Town ayaa maanta laga dareemayay saxmad farxadeed oo ka badalan maalmihii kale sida laga dheehan karo wajiyada dadweynaha soomaaliyeed ee maanta ciiday.

Xaafada Bellville oo ah xaafada ay ku badanyihiin Soomaalida ayaa maanta waxaa buux dhaafiyay muwaadiniin Soomaaliyeed oo maanta ka qeyb qaadanayay farxada weyn ee islaamka isla markaana isku hambalyeynayay.

Dadweynaha ayaa waxaa afkooda ka soo baxayay hadalo ay ka mid ahaayeen ciid wanaagsan, ciid mubaarak, kulu aam wa antum bikheyr iyo hadalo kale oo ay ku dheehanthaay farxad.

Soomaalida ayaa maanta waxa ay salaada ku oogeen labada masaajid e ugu waaweyn xaafada belvile halka qaar kale ay salaada ku ogeen barxada hope club oo ku taallo xaafada athlone ee muslimiinta.

Sidoo kale waxaa magaalada Cape Town isku soo baxay dhalinyaro Soomaaliyeed oo wajikooda laga dheehan karay farxad ay u qabaan maalintan ciida ah.

Ayadoo ay sidaas jiro oo maanta ay Soomaali badan oo ku kala nool daafaha caalamka ay kala qeybqaateen umada islaamka ciidan ayaa hadane waxaa xusid mudan in ay jiraan maanta muwaadiniin Soomaaliyeed oo in ay ciidan ka qeybqaateen iska daayee aan xitaa maanta heysan wax ay baad ahaan u cunaan ku waasoo mudan maanta in ay u garaabaan inta heysataa waxa ka dheeraadka ah noloshooda oo ilaah dhaqaalaha siiyay.

Ciidan ayaa markii ugu horeysay waxa ay ku soo beegmayesaa xili ay Soomaaliya kashay siyaasad cusub oo ka badalan wajiyadii hore ee lagu yaqaanay siyaasadda soomaaliya.

Dhamaan umada soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan waxaan leenahay ciid wanaagsan meel walba oo aad joogtaan ilaah ha idin ku amaansado, sanadkan kiisa kalan bash-bash iyo badhaadhe iyo waliba nabad waarta.

Saadad Ahmed Gobey
SBC International
Cape Town South Afrika