Dad iskugu jiro dhalinyaro, ganacsato, saxafiyiin iyo siyaasiyiin ayaa bilaabay olole ay ku guubaabinayaan dadka Soomaliyeed ee ku nool dalka Koonfur Africa si ay u dareensiiyaan dhaabitada heysata shacabka Soomaaliyeed ee ku nool dalkeena.

Shir weyn oo maanta ka dhacay xaafada Soomaalida ee Bellville ayaa waxaa looga hadlay dhibaatooyinka ka jira Soomaaliya iyo abaaraha aan kala sooca leheyn ee ka jira gudaha Soomaaliya.

Horjoogayaal ka tirsan jaaliyada soomaaliyeed ayaa halkaa uga dhawaaqay urur gurmad oo ka koobnaa ilaa 15-xubnood kuwaasoo dhaqaale aruurin ka sameyn doono gudaha gobolka western cape.

Qaar ka mid ah saxafiyiinta Soomaalida ee ku sugan Koonfur Africa ayaa sidoo kale ka mid ah dadka wacyi galinta ka qeyb qaadanayo.

Arintani ayaa waxa ay ku soo beegmeysaa xili warbaahinta caalamka ay si isdaba joog ah u soo bandhigayaan dhibaatooyinka baaxada leh ee abaaruhu ay u geysteen dalka soomaalia. Waa muhiim in loo gar-gaaraa qof muslim ah oo dhibaateysan ee haga baqeylin walaakaada muslimka ah .
Saadad Ahmed Gobey
SBC International
Cape Town South Afrika.