Munaasabad lagu maamuusayay maalin qoxootiga aduunka oo ku beegneyd 20/06/2011 ayaa waxey xalay ka dhacday magaalada Cape Town ee dalka K/Afrika.

Munaasabadan oo aheyd mid si heer sare ah loo soo agaasimay, ayaa waxaa soo qaban qaabiyay oo marti loo ahaa Hay’adda Somaliyeed ee lagu Magacaabo Somali Refugee Aid Agency (SORAA), waxaana kasoo qeybgalay, masuuliyiin kala duwan oo kakala socday hay’adda caalimiga ah NGO-yada dalka guddahiisa ka howlgala madax ka socotay dowlada K/Afrika iyo Qaarkamid madaxda jaaliyada somalida K/Afrika, waxaasidookale xarunta ay munaasabada ka dheceysay soo buuxdhaafiyay dadyow  kala jinsiyada ah oo kakala yimid dhamaan daafaha caalamka.

xaflada oo ku bilaabatay jawi dagan iyo muuqaalo laga diyaariyay diyacnaanta qoxootiyada caalamka oo dadka uurkutaalo ku beeray, waxaana qudbooyin aad u wanaagsan soo jeediyay qaar ka mid ah madaxdii halkaas isugu timid, Patrick oo ah madaxa Hay’adda UNHCR ee Gobolkan Western Cape ee Dalkan K/Afrika ayaa ayaa isagu ku dheeraaday dhibaatiiyinka heysta quxootiga ku dhaqan dhamaan daafaha caalamka wuxuuna si gaar ah u xusay xeryaha qoxootiga ee ku yaal dalka Kenya oo ay ku jiraan Somali aad u farabadan oo ka soo barakacay dagaalada ka oogan gudaha Somalia, Patrick sidookale wuxuu ka hadlay dhabaatooyinka ay ka mid yihiin dilalka loo geysto somalida ku dhaqan dalkani K/Afrika, wuxuuna sheegay in ay wax badan ka qaban doonaan.
Mdaxa Hay’adda SORAA Isaaq Osman Rooble oo ka mid ahaa madaxdii goobta ka hadashay ayaa soo bandhigay Qorsha howleed shanta sano ee soocoto ee Hay’adda taasoo ay ka mid aheyd in ay usamayendoonaan Dumark  Somaliyeed Mashaariic ay ku hormariyaan noloshooda asaasiga ah qaasatan kuwa caruurtaleh islamarkaana aan heysan cid taakuleysa.

Sidookale waxaa goobta ka hadlay Abdirihim ibraahim Ali oo ah ku xigeenka Maaxa Hay’adda SORAA oo ku dheeraaday howlihii ay Hay’addu soo qabatay, wuxuuna ka sheekeeyay Qisooyin aad u xanuun badnaa oo ay la kulmeen shaqaalaha hay’dda intii ay ku guda jireen Howlohooda.

Kuma koobneyn munaasabada xaflada oo kali ah ee waxaa jiray ciyaaro lagu maamuusayay maalintan, oo ay ku tartameen ilaa 8-eed kooxood oo ka kala socday dalalka Africa oo ay somalidu ka mid aheyd, waxaana koobka cayaarahaas ku guuleystay kooxda qoxootiga reer Burundi. 

Maalint qoxootiga aduunka oo la xuso 20-ka June sanadkastaa lagasoo bilaabo sinadkii 2001-dii ayaa waxaa ay noqoneysaa markii ugu horeysay oo ay somalida K/Afrika martigalayaan, waxaana arinta ku guuleystay Hay’adda SORAA oo taariikh Somalida K/Afrika baal dahab ah ka gali doonta.

Abdirizak Farah
Cape Town
E-mail. WORL.REFUGEES.DAY@GMAIL.COM