Xafladan oo ay si wanaagsan u soo agaasimeen Ururo  Soomaaliyeed oo ka how-gala dalka Finland ayaa ahay mid ay ka soo wada qayb galeen dhamaan bulshada qaybaheeda kala gadisan ,iyadoo sidoo kale ay ka soo qayb galeen Madaxweynaha Maamul goboleedka Hiiraan and Midland State Cabdiqaadir Cabdi Aadan ( Jiraabeey) iyo wafdi la socday kuwaa soo maalmahan mati ku ahaa dalka Finland.

Waxaa sidoo kale suura gashay in La qabto Ciyaaro lagu maamuusay Maalinta Xoriyadda ee 1-da Luuliyo oo uu soo agaasimay Ururka (Sateenvarja) oo ah urur ka shaqeeya horumarinta dhalinta Soomaaliyeed ,isagoo ururku uu tar tan siiyay  dhalinyaro u dhaxaysa 10 ilaa 15 jiro .

Dhanka kubadda waxa wada ciyaarayay 10 Kooxood, Samafinaal waxaana  isu soo haray afarta kooxod ee kala ah .

Fc -Itis iyo VS- MBC  waxayna ukala badiyeen sidan ( 2-1) waxaa badisay FC- itis

Espoo United VS iyo  FC- Malmi Stars waxayna ku kala badiyeen sidan ( Espoo United) oo  badisay 2-1 halka MBC VS ay gashay gaalinta 2aad ee Samafinaalka.

Waxaa sidoo kale ka qayb galay munaasabad lagu waynaynayo maalinta xorimada Soomaaliya ee 1-luuliyo xubin ka mid ah Baarlamaanka Finland Pekka Haavisto ,waxuuna yiri “aad ayaan ugu faraxsanahay in aan idin la qaybsado maalintiina xorimada Soomaaliya, run ahaantii waaan dareemi karaa in ay tahay maalin idin ku weyn waaana idin leeyhay Hambalyo , waxaan anigu tagatay dalka Soomaaliya magaalooyin oo ay ka mid yihiin Hargeysa,Garowe, waxaana had iyo goo jeclahay in aan idin la qaybsado farxadiina waana ku mahdasantihiin sida aad iigu casuunteen Xafladan aad ku xusaysaan Maalinta xornimada Soomaaliya”.

Ciraayta  kadib waxaa Laguda galay Xafladda oo lagu qabtay Xarunta Ururka Dhalinyarada ( Kanava) oo ah Ururadii wax ka suurta galiyay qab-soomida xafladan, waxaana  hadka futay  Gudoomiyaha  Ururka kanava Cabduqaadir  Hadaafoow , wuxuuna yinri “guud ahaa waan idin salaamay haddii aad tihiin marti sharafka, Odoyaasha ,Haweenka,Dhalinyada , waxaa farxad inoo ah in aan si guud uwada xusno maalinta xorimada Soomaaliya oo ah maalin aad noogu weyn ,waana maalintii aan ka xorownay gumaystihii dalkeena haystay ,oo ay u soo dagaalameen dadkii Anaga naga horeeyay ,waxaana idiin rajaynayaa in aad sanadkan sanadkiisa kale aan ku xusno goob intan ka weyn waana mahadsantihiin”.

Waxaa isna goobta ka hadlay Pro. Axmed Weheliye (Xiji ) waxa uu yiri “waan idin salaamay dhamaantii ,waxaan filayaa in aan ugu da,weynahay dadka halkan manta isugu yimid ,haddii aan idin kaga waramo xafladan aan u dabaal dagayno ee maalinta xorimada ,waxaan ahaa nin aad u da,yar  , Aniguna hadda waxaan jiraa  67 sano waxaadna ka garan kartaan xiligaas in aan ahaa caruur oo aan waxba kala soco in dalki lahaysto ,balse waxaan la soo jaan qaaday intaa wixii ka danbeeyay wakhti aad u wanaagsan oo ay noolayd Soomaalinimo ,Adeerayaal waxaan idiin sheegayaa xorimada si sahal ah lagu keenin ee rag ayaa u soo halgamay ,maatna meesha ay ku  danbayso waan u jeedaa ,ee waxaa idiin  dar daarmayaa in aad noqotaan kuwo u istaag soo celinta midnimo Soomaaliyeed” .

Xubnihii goobtaasi ka hadlay waxaa ka mid ahaa Madaxweynaha maamul Goboleedka Hiiraan and Midland State Cabdiqaadir Aadan (Jiraabeey)  waxuu yiri “waxaan farxad ii ah in aan ka qayb galo xuska maalinta 1-da Luuliyo oo aan waliba faxada la qayb sado rer Finland waana markii iigu horaysay ee aan soo booqdo wadanka Finland , walaalayaal iyo Adeerayaal waxaan idin leeyahay  dhamaanteen farxad ayey inoo tahay weynayta maalintan , haddii aan intaa uga gudbo farxada , Anigu waxaan ahay Madaxweynaha maamulka Hiiraan and Midland State, waxaana ku rajoweynahay in aan deegaanka aan mas,uuliyadiisa sheeganayo uu noqodo wadadii loo sii mari lahaa isu keenista midnimada Soomaaliya ,wakhtigu waa igu yar yahay waana mahadasantihiin sida aad noo soo dhaweyseen”.

Ururada Soo qaban qaabiyay Xafladan waxay kala ahaayeen

1.Gudomiye C/rashid Cawed diiriye ( Suomen Somaliliito-ry)

2.Cabdiqaadi Hadaafow   (Kanava-ry

3.Axmed sandheere     ( Midnimo)

4.Hussen Ladane       (Semo)

5.C/risaaq Xasan     ( Somali Verkosto)

6.Maxamud Shujaac    ( Sateenvarja)

Xubnihii goobta ka hadlay waxaa ka mid ahaa

7.Dr .Maxamed Cartan ( Af-hayeenka dhaqaatiirta Soomaaliyeed ee Finland )

8.Pro.Axmed  Weheliye (Xijji) ( waxa uu ku hadlay Afka Odoyaasha)

9. C/qaadir  Aadan Cadbi (Jiraabey) Madaxweynaha Hiiran a& Midland State)

10 Sulaano Cadaay (Wasiirka Haweenka ) Hiiraan & Midland State)

11- Canab Cali qalaad  ( Fanaaniita reer Finalnd)

12- Cabdiraxiin Xuseen ( Xiriiriyaha barnaamishka)

Dhamaan Xubnahan waxay adeegsanayeen ereyo qiira galiyay dad weynihii goobta ku sugnaa iyagoo dhamaan ay soo hadal qaadeen muhiimada maalinta xorimada Soomaaliya.

Gunaanadkii Xaflada dabaaldaga maalinta xornimada Soomaaliya ee Sanad guuradii 51aad ee 1-da Luuliyo ayaa ahayd mid si wanaagsan loo soo agaasimay iyadoo ay ka soo wadan qayb galeen dhaam bulshada qaybaheed kala gadisan , waxaana halkaasi laga qaaday Heesta Calanaka Soomaaliyeed ,iyadoo waliba la xusat dadkii xorimada Soomaaliya u soo dagaalamay .

 DAAWO SAWIRADA

Maxamed Bashiir (INFO)
SBC Helsinki-Finlanad