Koox lagu eedeeyey inay yihiin burcad badeed Soomaali ah ayaa maanta maxkamad ku taal wadanka Kuuriyada Koonfureed waxay ku ridey xukun isagu jira xabsi daa’id iyo sanooyin fara badan.

Maxkamada oo ay ku sugan yihiin eedeysanayaa & u doodayaasha

Mid kale oo ka mid ah shufto badeeda ayaa lagu xukumay 15 sano oo xarig halka laba kalena lagu xukumay min 13 sano oo xabsi ah.

Markabka Samho Jewelry xiligii laga soo badbaadiyey shufto badeeda

Kooxda dacwad ku soo oogayaasha ayaa dalbadey in Caraaye dil lagu xukumo, iyagoo raga kalena codsadey in xabsi daa’in lagu xukumo ka dib markii ay u qaateen madaxfurasho & dhufeys dadka ay haysteen ka hor intii aanay ka badbaadin ciidamada badda ee Kuuriyada Koonfureed.

Marlabka dagaal ee Choi Young ee soo furtey markabka ganacsiga oo maanta ku soo laabtey magaalada Busan si weyna loo soo dhaweeyey

In lagu xukumo dil waxaa maxkamada ka horistaagey qareenada u doodaya Caraaye Maxamed kuwaasi oo sheegay inaanay jirin wax cadeymo ah oo muujinaya in isagu uu xabada ku dhuftey Kabtanka iyo inaanay jirin cid u jeeday.

Ninka shanaad ee ka mid ah kooxdan shufto badeeda ku eedaysan ee ay hayso dawlada Kuuriya waxaa lagu soo oogi doonaa dacwad gaar ah iyadoo todobaadka soo socda maxkamad la soo taagi doono.

Talaabada maxkamadeyntu waxay aheyd mid aad u sareysa wadanka Kuuriya Koonfureed maadama ay aheyd markii ugu horeysay oo dacwad la xiriirta burcad badeednimo lagu qaado wadankaasi.

 

Keyse Caamir
SBC News Desk