Boosaaso Galinkii dambe ee shalay waxaa soo gaaray dad ka badan 3000 oo qof kuwas oo u badan soomaali,

Dadkan ayaa waxaa keenay markab weyn oo ka soo qaaday dekedda Mukalla ee dalka Yemen, waxaana lagu soo dhaweeyay dekedda Boosaaso.

Soo dhaweyn ka dib dadkan ayaa loo daad gureeyay goobo ay ku nastaan oo ku yaala gudaha magaalada Boosaaso.

Masuuliyiinta gobolka ayaa ku soo dhaweeyay dadkan dekedda boosaso, iyadoo loo sii diyaariyay waxyaabo ay ka mid ahaayeen biyo ay cabaan iyo cunto fudud oo ay cunaan.

Daawo Sawirada
DSC08171 DSC08183 DSC08184 DSC08195 DSC08199 F (1) F (2) F (3) F (5) F (7) F (8) F (9) F (10) F (12) F (13) F (14)