Wararka naga soo gaaraya Magaalooyinka waaweeyn ee Somaliland ayaa ku waramaya in halkaasi ay maanta oo Isniin ah Taariikhduna ay ku beegantahay 18-May ay ka socoto Dabaal Degyo Lagu Xusaayo Maalinkaani Oo Ay U Aqoonsadeen Ka Go’ itaanka Somaliya Inteeda Kale.

Wariyayaasha ayaa soo sheegaya in hadda laga dareemayo hargeeysa qaban qaabo balaaran , iyadoo boorarna lagu dhajiyay magaalooyinka waaweeyn Ee Maamulka Somaliland.

Dhinaca kale Godoomiyaha Guddiga Qaban qaabada 18-ka May Ahna wasiirka Arimaha Gudaha Ee Maamulka Somaliland ayaa shacabka ugu baaqay in ay si weeyn u Xussaan  Munaasabada 18-May.

Munaasabada 18-ka Maalintii Somaliland ay sheegatay in ay ka goostay Somaliya inteeda kale ayaa ku soo beegmeeyso xili uu jiro qilaaf u dhaxeeya Madaxda Somaliland iyo Xisbiyada mucaaradka, Kadib Muddo Kororsi Loo Sameeyay Xukumadda Taladda Heysa.

Soomaaliland ayaa Waxaa la sheegay in uu Sanadkaani Uga Duwan Yahay sanadahii Hore oo uu Maamulkaasi Khilaaf Xoogan ka Curtay Dhexdiisa,

Waa Sanadguurada 24-aad Ee Maamulkaasi Mudadaasinna Ma Helin Wax Aqoonsi Ah Ama Ictiraafa, Laakiin Waxaa Dadkaasi Lagu Amaanna Xasiloonni Siyaasadeed iyo Mid Amni.

SBC, News.