Ciidamada Maamulka la baxay Soomaaliland ayaa 18kii saac ee la soo dhaafay waxa ay ka wadeen gudaha magalada Laasacaanood ee xarunta gobolka Sool Qab qabasho iyo howlgalo ay ka sameeynayaan xaafadaha qaar ee magaalaaasi.

Dad farabadan oo sida la rumeysanyahay u badan kuwa ka soo jeeda qeybaha gobolada Bartamaha iyo Koonfurta dalka ayaa waxaa ay ciidamadu dhigeen goobaha xabsiyada u ah ee ay ku leeyihiin magaaladaas iyagoona si xowli ah u wada howlgalada.

Wararka qab qabashada dadka ayaa ah mid isa soo tareysa, waxaana  saacadihii ugu dambeyay la qabqabtay dad horleh, waakan wariye madaxbanaan oo SBC u waramay. (Dhageyso)

Howlgalada ciidamada Somaliland ay maanta ka wadaan Laasacaanood ayaa waxay ka dambeeyeen ka dib markii habeenimadii xalay halkaasi lagu dilay gudoomiyihii maxkamada gobolka Sool .

Dhinaca kale waxaa siweyn loo hadal hayaa imaatinka madax sar sare oo ka tirsan maamulka Soomaaliland ee magaalada Laasacaanood iyadoo ay jiraan dhaq dhaqaaqyo loogu diyaar garoobayo wafdigaasi kaas oo ay wadaan saraakiisha maamulkaasi ka jooga magaalada.

Sikastaba ha ahaatee ma ahan markii ugu horeysay oo dhacooyin ceynkan oo kale ah ay ciidamada Soomaaliland ku qab qabtaan dad aad u farabadan oo iyagu guryahooda laga kaxeysto iyagoona ku tuhmaya in ay ka dambeeyeen falal halkaasi ka dhacay.

SBC International Laasacaanood.