Ciidamada maamulka Somaliland ee duulaanka ku soo qaaday deegaanka Sool-Joogta ee gobolka Cayn ayaa jab xoogan loogu geystey dagaalkii maanta iyadoo la soo sheegayo in ay galeen baqo carar iyo kabta ha iga goyn.

Dagaalkii maanta oo ahaa mid aad culus ayaa lagu soo waramayaa in uu geystey khasaare naf iyo maalba leh kaasi oo soo gaaray labada dhinac ee dagaalamayey, waxaana la soo sheegayaa in xoogaga deegaanka gobolka Cayn inay jilibka u laabeen duulaankii ciidamada Somaliland.

Wariyaha SBC ee degmada Buuhoodle ayaa ku soo waramaya in magaalada Buuhoodle la soo gaarsiiyey gaadiid dagaal oo uu ka mid yahay mid qori saaran yahay, mid loogu tala galay qaadista sahayda ciidamada, waxaana gudaha magaalada lagu soo bandhigay oo wadooyinka marba dhinac loogu waday gawaaridaasi mid ka mid ah.

Ciidamada maamulka Somaliland ayaa damacooda dagaal wuxuu ahaa inay qabsadaan degmada Buuhoodle iyagoo ku guuldareysatey markii mudo 3 todobaad gudahood ah inay  ku qabsadaan caasimada gobolka Cayn ee Buuhoodle.

Warbaahinta SBC ayay u suurtagashay inay hesho muuqaalka gaadiidkii laga qabsadey ciidamada Somaliland, baabuurkaasi oo wadooyinka Buuhoodle lagu soo bandhigay.

Si aad u daawato dabaaldega dadka deegaanka Buuhoodle ee guusha dagaalkii maanta iyo waliba gaadiidka la soo bandigay riix lin-ka VIDEO-ga hoose. RIIX

Daawo

 

 

SBC News Desk