Maamulka Somaliland Ayaa Si Kulul U beeniyay in Dowladda Imaaraadka Ay kala Hadlayaan Arimo La Xiriira Ladagaalanka Kooxaha Xuutiyiinta Ee Dalka Yemen.

Wasiirka Warfaafinta Somaliland C/llaahi Max’ed Daahir (Cukuse) oo ka mid ah wafdi uu hogaaminayo madaxweynaha maamulka Somaliland Axmed Siilaanyo kuna sugan Imaaraadka Carabta ayaa ka warbixiyay ujeedka socdaalkooda Dalkaasi.

Cukuse Ayaa Xusay in Imaaradka Carabta Ay Ujoogaan heshiis dhinacyo badan oo ay la gaaraan isku taga Imaaraadka carabta oo ku aadan adkeynta xiriirka,dhaqaalaha iyo waliba kaabayaasha dhaqaalaha Oo Ay la Saxiixan Doonaan.

Wasiirka Warfaafinta maamulka Somaliland ayaa meesha ka saaray inaanay ka mid ah qorshaha Imaaraadka carabta u tageen ka hadalka dagaalada ka socda dalka Yemen iyo doorka ay Somaliland ku leedahay,laakiin Wasiirka ayaa meel cad iska taagay in Somaliland lug ku leedahay dagaalka Yemen ay ka wadaan Xulufada ay hogaamineyso Dowlada Sacuudiga.

Wuxuu Sheegay in Diyaaradaha Dagaalka Ee Xulafada Sucuudiga Aysan Adeegsan Doonin Xeebaha iyo Gooramadda Somaliland, isagoo Cadeeyay inaan Arimahaasi La isla Soo hadal Qaadin.

SBC, News.