Maxkamad ku taala dalka Britain ayaa amartay in dalkaasi laga masaafuriyo Cabdi Majiid Al-Amodi oo ah muwaadin Soomaali ah kadib markii uu dhamaystay xukun ay horay Maxkamadu ugu riday sanadii 2007.

Cabdi Majiid Al-Amodi ayaa dambiyadda maxkamadu ay ku soo oogtay waxaa ka mid ah in uu fal kufsi ah u gaystay gabar 17 sano jir ah oo arday ah, iyo sidoo kale in uu la shaqeeyo kooxo ka ganacsada maandooriyaha.

Masuuliyiinta Maxkamada dacwada ninkan qaaday ayaa sheegtay in Cabdi majiid la siidayay kadib markii uu dhamaystay 4 sano oo xarig ah lakiin hada lagu tala jiro in laga soo talxiiro dalkaasi Ingiriiska.

Qoyska ninka Soomaaliga ah ayaa ka dalbaday maxkamada in wiilkooda la cafiyo madaama uu qaatay xabsi 4 sano ah., iyo sidoo kale beeniyay in wiilkooda uu la shaqeeyo dadka ka ganacsadda maandooriyaha.

SBC, News.