Telefishinka Somali Chanel oo ka mid ah Tv-yada afku Soomaaliga ku hadla ayaa mudooyinkii ugu dambeeyey wuxuu si joogto ah u baahinayey barnaamijyo kala duwan oo la xiriira xaaladaha xiligan wadanka ka taagan gaar ahaan arimaha siyaasada iyo isbadalada xiliga kala guurka socda, iyadoo doodahaasi qaarkood si gaar ah u saameynayaan isbadalka ku aadan xiligii ku meel gaarnimada oo dalku ka baxayo isla markaana uu cagta saarayo dhabaha dawlad rasmi ah.

Hadaba dood arimahaasi salka ku haysaa oo uu qabtey telefishinka Somali Chanel ayuu wuxuu diirada ku saaray doorashadii gudoomiyaha cusub ee baarlamanka rasmiga ah ee Soomaaliya yeelatey, doorashada madaxweynaha ee soo socota, siyaasada xiligan, arimaha ku aadan khilaafka ka taagan xubnaha Baarlamanka la doonayo in lagu soo daro ee muranku ka dhashay iyo waliba arimaha horyaal beesha caalamka iyo ummada Soomaaliyeed ee la xiriirta dawlada cusub ee Soomaaliya la doonayo in loo dhidbo taasi oo ka duwan kuwii hore ee KMG ahaa.

Doodan oo uu daadihinayey Wariyaha rug cadaaga ah Mustafe Cabdi Xuseen Shaafi ayaa waxaa ka soo qayb galey Danjire C/rashiid Seed, Mowliid Xaaji Cabdi & Sakariye Isticmaar, iyadoo doodaasi oo xiiso gaar ah laheyd si toos ah loogala socdey Studio-ha Tv-ga xaruntiisa magaalada London.

Si aad u daawato link-ga video doodaasi riix linkga hoose.

DAAWO VIDEO

Bashiir Ducaale Cali
SBC News Desk