Siyiisiyiin ku jirey Dood Telefishin oo Bistoolad isula baxay ka dib markii…VIDEO

Dood ka socotey Telefishin oo aheyd mid toos ah Live ayaa qarka u istaagtey in dhiig ku qubto oo rasaas ka bilaabato ka dib markii laba siyaasi oo doodaasi ka qayb galey ay sheekadu ka xumaatey ayna gaartey in gacan ka hadal dhexmaro oo waliba Bistoolado la isula soo baxo.

Dood oo ka socotey Telefishin fadhigiisu yahay wadanka Jordan oo lagu magacaabo Jo Sat ayaa waxay dhexmarey xildhgibaan Mohammad Shawabka & siyaasi  Mansour Sayf al-Din Murad, waxayna ka doodayeen xaaladaha siyaasadeed iyo qaska dagaal ee ka aloosan wadanka Suuriya, balse dooda oo qaraaratey ayaa keentey in aflagaado iyo cay toos la isagu jeediyo isla markaana waxay ugu dambeyntii gaartey in xildhibaan  Mohammad Shawabka uu Bistoolad iska soo jaro oo uu ugu hanjabay ninkii uu la dooday in indhihiisu cirka eedi doonaan oo qabuuraha loo qaadi doono.~

Xildhibaan Mohammad Shawabka ayaa kab ku tuurey siyaasin Murad ka hor intii aanay sheekadu gaarin Bistoolad isula soo baxa, waxaase xildhibaanku uu furka tuuray oo uu carooday ka dib markii Murad uu ka soo yaarey hadal ahaa in xildhibaanku uu yahay basaas ka tirsan sirdoonka Siiriya oo u shaqeeya Madaxweynaha Suuriya Bashar Al-Asad.

Murad waxaa kale oo uu ku eedeeyey xildhibaan Shawabka in uu ka mid yahay sirdoonka Yuhuuda ee Mosad arintaasi oo keentey in xildhibaanku uu aad uga caroodo uu bistoolada iska soo jaro.

Wariye Mohammed Habashneh oo isagu ahaa dood qaybihii wuxuu dhexda u xirtey sidii labada nin xaaladooda loo qaboojin lahaa oo rasaas aanay uga bilaaban gudaha Istuudiyaha isla markaana meyd ama dhaawac goobta aan laga qaadin, isagoo xakeyn ugu dhaqaaqay labada siyaasi ee xaajadu ka murugtey.

Link-ga video hoose ka daawo doodan dagaalka isku badashay ee Live-ka Tv-ga uga baxaysay.Click Here
Daawo

Yaasiin Faradheere
SBC International Stockholm

Daalacatey :2216

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

ARTICLE TOOLS
Share to Facebook Share to Twitter Email to friend Print