Siyaasiyiinta wadanka Jarmalka gaar ahaan kuwa xagjirka ah ayaa ugu baaqay laamaha amaanka dalkaasi inay talaabo ka qaadaan kooxaha Muslimiinta ee magaalooyinka waa weyn ka qaybinaya nuqulo ka mid ah Kitaabka Qur’aanka Kariimka oo la turjumay.

Hans-Peter Uhl oo ka mid ah xisbiga mayalka adage ee Christian Social Union magaciisana loo soo gaabiyo (CSU) ayaa sheegay in loo baahan yahay in talaabo talaabo iyo daqiiqad iyo daqiiqad loola socdo kooxaha Muslimiinta ee Kitaabka Qur’aanka ka qaybinaya magaalooyinka dalka Jarmalka.

Wargeyska Allgemeine Sonntagszeitung ee ka soo baxa magaalada  Frankfurter oo warbixintan faafiyey maalinimadii Axadii ayaa qoray in siyaasiyiinta Jarmalka ka walaacsan yihiin kooxo Muslimiin ah oo qaarkood wadankaasi u dhasheen oo Kitaabka qur’aanka ka qaybinaya.

Hadalkan fuleynimada xambaarsan ee ka soo baxay siyaasiyiinta Jarmalka ayaa ka dambeeyey ka dib markii koox Muslimiinin Salafi ah oo lagu magacaabo Die Wahre Religion (The True Religion), oo la macno ah Diinta dhabta ay ka qaybiyeen nuqulo ka mid ah Kitaabka Qur’aanka Kariimka oo lacag la’aan ah.

Kooxdan Diinta dhabta ah (Die Wahre Religion ama The True Religion) waxaa hogaamiya nin ganacsade ah oo lagu magacaabo Ibrahim Abu Nagie kaasi oo degan magaalada Cologne oo ah magaalada afaraad ee ugu weyn dalka Jarmalka marka laga soo tago magaalooyinka Berlin, Hamburg & Munich.

Docda kalena Günter Krings oo xubin sare ka ah xisbiga  Christian Democratic Union ee ay ka tirsan tahay haweenayda Ra’isalwasaaraha ka ah dalk Jarmalka ee Angela Merkel aya u sheegay wargeyska maalinlaha ah ee Die Welt in loo baahan yahay sidii loo joojin lahaa talaabadan qaybinta Kitaabka Qur’aanka isagoo ku tilmaamay waa sida hadalka uu u dhigay’e fal xadgudub ah.

Talaabadan ayay ku tilmaameen siyaasiyiinta xagjirka ah ee Jarmalka inay tahay mid dhiirigalinaysa wax ay ugu yeereen asalraacnimada Islaamka, iyadoo Hans-Peter uu si ba’an u dhaliilay laba wariye oo u dhalatey dalka Jarmalka oo laga duubay video iyagoo qaybinaya kutubka qur’aanka kariimka. iyadoo sidoo kale laba wargeys ay ijaarteen kooxdan si ay ugu daabacaan nuqulada Kitaabka oo turjuman.

Shirkadda daabacaada ee Ebner and Spiegel, ayaa heshiis kula gashay kooxda Salafi ee fadhigeedu yahay magaalada Cologne in ay u daabacdo 25 milyan oo nuqul oo qur’aanka Kariimka oo lagu turjumayo luuqada Jarmalka, iyadoo loogu tala galay in laga qaybiyo wadamada Jarmalka, Austria iyo Switzerland, shirkada ayaa daabacdey 300 kun oo nuqul,laakiin cadaadiska haatan soo foodsaaray ayay shirkadu sheegtey inay dib uga fakareyso daabacada Kitaabka qur’aanka Kariimka iyo hirgalinta heshiiska ay la gashay kooxda Die Wahre Religion ama The True Religion.

Qorshahan kooxdan ayaa ah in guri kasta oo dalka Jarmalka ku yaal laga helo Kitaabka Qur’aanka Kariimka isagoo ku turjuban luuqada wadankaasi waxaana dadka loo sheegay in ay dalab ahaan ku soo dirsan karaan hadii ay u baahan yihiin Kitaabka qur’aanka oo loo soo dirayo Boosto ahaan.

 Maxamed-Qadar Isxaaq
SBC International London