Siyaasiga Cali Cabdi Awaare oo xilal kala duwan oo heer wasiir ah ka soo qabtey xukuumadihii Puntland soo marey kana mid ah ragga xiligan ugu cad cad in loo magacaabo jagada Ra’isalwasaaraha Soomaaliya ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyey magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Siyaasi Awaare oo kaalin weyn kulahaa dajinta arimaha golayaasha deegaanka ee Puntland, xeerka caasimada Puntland, salu dhigida baahinta maamul deegaanka ee dadweynuhu aayahooda ka tashanayaan, iyo waliba diyaarintii xeerka caasimada Muqdisho ee ay diyaarisay hay’adda UNDP ee qaramada midoobay u qaabilsan dhanka mashaaricda horumarinta.

Cali Cabdi Awaare oo lagu yaqaan karti maamul dawladnimo, hufnaan, daacadnimo, wadaniyad iyo Soomaalinimo jecel wuxuu kaalin weyn ka soo qaatey arimihii dib u heshiisiinta guud ahaan dalka Soomaaliya gaar ahaan Puntland waxaana xiligan lagu tilmaamay in uu yahay shakhsi kaalin weyn ka geysan kara samatabixinta iyo isku keenista ummada Soomaaliyeed.

Imaanshaha Cali Cabdi Awaare uu yimid magaalada Muqdisho waxaa si weyn looga hadal hayaa xarumaha dawlada iyo goobaha la isugu yimaado iyadoo la sheegay in uu ka mid yahay dadka ugu horeeya ee la doonayo in loo magacaabo jagada Ra’isalwasaaraha Soomaaliya, waxaana maanta markii uu yimid Muqdisho si weyn ugu soo dhaweeyey Garoonka diyaaradaha Aadan Cade siyaasiyiin iyo dadweyne fara badan kuwaasi oo ka soo galbiyey garoonka ilaa la soo gaarsiiyey halka uu degan yahay.

Warar warbaahintu ay ka heshay ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Siyaasi Cali Cabdi Awaare uu kulamo la qaadan doono madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Gudoomiyaha baarlamanka iyo waliba qaar ka mid ah xildhibaanada baarlamanka, isagoo sidoo kale qaybaha bulshada magaalada Muqdisho lagu wado in uu kulamo gooni gooni ah la yeesho.

Wararku waxay intaasi ku darayaan in imaanshaha Cali Cabdi Awaare uu yimid Muqdisho uu si weyn ugu yeeshay saadaasha magacaabista ra’isalwasaaraha, iyadoo farta lagu fiiqay in uu yahay shakhi xiligan ku haboon magacaabista Ra’isalwasaaraha, isagoo lagu tilmaamay in uu la jaanqaadi karo isbadalka siyaasadeed ee cusub ee haatan ka dhacay dalka.

Awaare ayaa maanta markii uu soo gaarey magaalada Muqdisho wuxuu si kooban uga warbixiyey wararka ku aadan in uu ku jiro dadka loo hadal hayo in loo magacaabo jagada Ra’isalwasaaraha, waxaana uu sheegay in uu arintaasi soo dhaweynayo hadii loo magacaabo isla markaana uu leeyahay qibrad dheer oo dhanka maamulka ah uuna aaminsan yahay in uu yahay shakhsi ku haboon xiligan, waxaana uu sheegay in hadii loo magacaabo jagada Ra’isalwasaaraha uu ka shaqeyn doono sidii ummada Soomaaliyeed la isagu keeni lahaa loogana bixi lahaa dhibaatada, waxaana dhanka kale uu muujiyey in uu diyaar u yahay in uu dalkiisa u shaqeeyo mar kasta hadii loo magacaabo xilkan iyo hadii aan loo magacaabin.

Mar uu ka hadlayey waaya aragnimadiisa dhanka deegaanada Soomaalida wuxuu sheegay in qibrada deegaan iyo dad ee ummada Soomaaliyeed uu u leeyahay ay kaalin weyn ka qaadanayso in uu wax ka qabto xaaladaha kala duwan ee dalka ka taagan, isla markaana uu tagi doono hadii la magacaabo deegaan kasta oo Soomaaliyeed.

Link-ga hoose ka dhageyso Cali Cabdi Awaare oo saxaafada la hadlaya markii uu tagey Muqdisho
Halkan ka dhageyso

Axmed Aar
SBC Muqdisho