Magaaladda Paris ee Caasimadda Dalka Faransiiska ayaa lagu soo Gaba gabeeyay Shir balaaran ee Looga Hadlayay Iskaashiga Dhaqaale ee Caalamka,

Waxaana Si gaar ah diirada loo saarayay Sidey isku kaashan karaan Dalalka Afrika iyo Kuwa Kale ee Caalamka ee Dhaqalahoodu Sareeyo,

Iyadoona ay ku sugnaayeen in kabadan 30-dal oo Caalamka kamid ah, ayaa lagu soo bandhigay Fikrado kala duwan oo La xiriira Dhaqalaaha Qaarada iyo Sida loo Kobcin Karo,

Siyaasiga Cali Cabdi Awaare, Ahna Mulkiilaha Hay’adda Warbaahinta Somaliyeed ee SBC Oo Shirkan u matalayay Somaliya, laguna Casuumay ayaa Faah faahin Ka Bixiyay Waxybaha uu shirkaasi ku soo Bandhigay,

Mr. Awaare oo Wareysi Siinayay laanta Afka Somaliga ah ee BBC-da ayaa Fursad muhiim ah ku Tilmaamay Shirkaasi Balaaran ee Lagu qabtay Xarunta Baarlamanka ee Wadanka Faransiiska, Ayna halkaasi ku soo Bandhigeen Kheyraadka Dabiciiga ah ee Dalkeenu leeyahay,

Doorka Warbaahinta ee Shirkan ayuu ku tilmaamay Mid Heer Sare ah oo Ay Halkaasi ka cadeeyeen in Warbaahinta Somalidu ay ku soo Badanayaan Tv-yada ku hadla Af-soomaaliga, Kuwaas oo Mudooyinkii U danbeeyay Soo badanayay,

Si Gaar ah Wuxuu Halkaasi Oga Sheegay in Warbaahinta Somalidu ay la socoto Isbadalka technology-da ee Caalamka, Si Gaar Ah Tv-ga SBC Oo Leh App- U fududeynaya Dadka Oo Dhan iney Mobelkooda gacanta ka Daawan Karaan iyagoo La soo Dagi Kara application-ka SBC SOMALI TV, Halkaas oo Macluumaadka Kala duwan ay kala socon Karaan,

Maahan Markii Ugu Horeysay ee Shirweyne looga hadlayo Arimaha Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamka uu Ka qeybgalo Siyaasiga Cali Cabdi Awaare, Ahna Mulkiilaha Hay’adda Warbaahinta ee SBC.

SAWIRRO :

17407757_1453483748018897_1245174902_o

17373013_1453484131352192_559915319_o

17379740_1453483821352223_953426213_o

17380124_1453483758018896_2026810345_o

17407564_1453483844685554_892173842_o