Siyaasiga Caanka Ah ee Cali Cabdi Awaare ayaa Umada Soomaaliyeed gaar ahaan reer Puntland uga tacsiyeeyay Geeridii Naxdinta laheyd ee ku timid Alaha u naxariistee Marxuum Beeldaaje Faarax beeldaaje Xaaji Cabdullaahi.

Mudane Cali Cabdi Awaare ayaa sheegay in uu siweyn uga naxay markii uu maqlay geerida Beeldaajaha isagoona intasi raaciyay in umada Soomaaliyeed uu ka baxay Nin meel weyn kaga jiray Mushtamaca.

Waxa uu Siyaasi Cali Cabdi Awaare sheegay xili uu la hadlayay SBC in Alaha u naxariistee Beeldaaje Faarax Beeldaaje Xaaji C/laahi uu ahaa nin ku xeeldheer ka shaqeynta Arimaha nabadda uuna ka qeyb qaatay xaalado badan oo soo wajahay deegaanada Soomaaliyeed waxaana uu ahaa nin ay taariikhdu xusidoonto .

Halkan ka dhageyso Codka Siyaasi Cali Cabdi Awaare
DHAGEYSO