Siyaasiga Soomaaliyeed Cali Cabdi Awaare Kana Mid ahaa Siyaasiyiintii la soo shaqeysay AHN C/laahi Yuusuf Axmed Aqoon dheerna u lahaa ayaan wax ka weydiinay Aqoontii uu u lahaa C/laahi Yuusuf isaga oo jooga Wadanka Jabuuti

Cali Cabdi aware oo horey uga soo mid noqday Golihii wasiirada ee Xukuumadii Uu madaxweynaha ka ahaa  AHN C/laahi yuusuf Axmed waxaa uu sheegay in aqoonta uu u lahaa ay ahayd in uu ahaa nin Jecel Nabada Islamarkaasina ka shaqeyn jiray Horumarka iyo isku xirka Ismida iyo Cuqaasha

Mr Awaare ayaa sheegay in intii ay siyaasada kuwada Jiree C/laahi yuusuf uu ku xusuusto inuu ahaa nin Dulqaad badan oo dhageysat Qof kasta oo uu la kulmo waxaa uu sheegay in hadi uu Marti geliyo 20 qof uu dhageysan jiray hadalkooda waxaana uu ahaa qof Xusuus badan oo Xifdiya Kalmadaha dadka uu la kulmayo

Awaare oo DOwladii C/laahi Yuusuf ka soo noqday Wasiirka Wasaarada Dowladaha Hoose iyo Horumarinta reer Miyiga Islamarkaasna ahaa siyaasiyiinta aadka ugu dhawaa Madaxweynaha intii uu ku jiray Siyaasada.

HALKAN KA DHAGEYSO CODKA SIYAASI AWAARE


SBC International Monitoring