Muwaadin asalkiisu somali yahay ayaa lagu xiray dalka ingiriiska waxaa loo haystaa  arimo la xiriira argagaxiso.

Sida lagu qoray BBC waxaa muwadinkani lagu magacaaba  Mahadi Hashi,isagoona dhalasha ingiriiska qaatay sanadkii 1995-tii,waxaana lagu tuhmay arimo argagaxiso ka dib markii uu bishii june booqday dalka somaliya.
 
Sirdoonka mareykanka ee jooga bariga afrika ayaa waxaa ay ogaadeen ruuxan somali britishka ah,waxaana haatan baaritaankiisa uu ka socdaa Galbeedka magaalada London.
 
Mr: Hashi ayaa soo galay isaga iyo qoyskiisa dalka ingiriiska 1995 waxana isla sanadkaasi ay qaateen Passportka wadankaasi,waxaana dawalada ingiriiska dhawaanahan dabagal ku haysay iyadoona dadka u socdaala somaliya dhamaantood marka ay soo laabtaan lagu sameyo baaritaano xad ka bax ah sifo dawlada igiriiska iskaga ilaaliso in fikirada argagaxisada loogu soo raro dalkeeda.
 
Mohamed Abdirashiid
SBC-Boosaso-somaliya