Siminaarkani ayaa Maanta Waxa uu Ka furmay Xarunta jamacada Mudug University (M.U, Ayadoona hal kudhiga Siminaarkani uu ahaa Aqoon iswaydaarsi loogu tala galay Macalimiinta wax ka Dhigta Magaalada Galkacyo , Iyadoona uu ahaa Siminarkani mid Lagu tayeenayo macalimiinta ku sugan magaalaada Galkacyo ee Xrunta Dawlad Gobaleedka Galmudug.

Siminaarkan oo qaatay halmaalin ayaa maanta ku soo gaban gaboobay dhismaha xarunta jacaamda mudug university (M.U) ,islamarkaasna ay soo qaban qabiyeen maamulka jaamacada mudug university aya waxa ka qayb qaatay ku dhawaad 10 is kuul oo ka dhisan magadalada galkacyo ee xarunta mamaulka galmuudg.

iskuulada ka qayb qaatay siminarkani aya waxa ka mid ahaa :

S.YL Secondry School
Mudug primary and Secondry school
Alsha,ab primary and secondry school
Albadar primary school
Al xikma primary school
Abdulaahi iise primary school
Sh.ali samatar primary School

Gudoomiyaha Jaamacada Mudug University(MU) Xuseen salad Wehliye Ayaa Waxa uu Shegay in ay hormuud ka Eheed Jamcada siminarkani loo gu Talagalay Hormarinta Tayada Waxabshada ,Waxana uu Tibaaxay Gudoomiyaha Jaaamcada in ay si Wanagsan uga Faaidaysteen Siminaarkan Macalimiinta Wax ka dhigta Dugsiyada hoose Dhaxe iyo Sare ee Magalada Galkacyo.

Gudoomiyaha ayaa Sidoo kale Shegay in ay ka Qayb qateen Siminarkani Profesaro ,macaliinta wax ka dhiga Jamacada Mudug University, Waxana uu Tilmaamay inay ku Tabarucayeen Aqoontoda Si loo kabo Tayada Macalimiinta Galmudug.

isku soo wada duuboo siminarkani aya waxa uu ahaa mid ku soo gaban gabobay jawi sare Ma’ahan siminarkii ugu horeeyay ay soo qaban qaabiyeen maamulka jamacada mudug university (MU).

DAAWO SAWIRADA



Liibaan C/laahi Faarax Qaran
SBC INternational Gaalkacyo
libaanqaran10@hotmail.com