Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamuud Maxamed (Siilaanyo) ayaa sheegay in uu diyaar u yaahy in iskaashi & wadatashi uu la yeesho hadii maamul shacabka matala uu ka soo baxo Koonfurta Soomaaliya oo dagaalo & rabshado ka aloosan yihiin mudo 20 sano ah.

Siilaanyo oo wareysi siiyey wakaalada wararka ee Reuters ayaa sheegay in aanu jirin xiligan dad ay kala hadlaan xaalada Koonfurta Soomaaliya, isagoo tibaaxay waa sida hadalka uu yiri in Koonfurta joogaan rag iskood isaga socda oo aanay jirin cid ay matalaan isla markaana aanu u jeedin cid uu kala hadlo oo qaab dawladeed leh.

Axmed Siilaayo wuxuu farta ku fiiqay in aqoonsi ay hesho Somalind aanu ku xirneyn xaalada Koonfurta Soomaaliya waxaana uu sheegay in qadiyada gooni isu taaga Somaliland aanay marnaba noqon doonin mid isbadal ku imaan karo oo aan sinaba lagu xiri karin Koonfurta Soomaaliya.

Madaxweynaha Somaliland wuxuu sheegay inay aad u dhiirigalisay aftidii dadweyne ee dhawaan laga qaaday dadka Koonfurta wadanka Suudaan, kuwaasi oo go’aansadey in ay ka madaxbanaanadaan Suudaan inteeda kale, isagoo sheegay in ay taasi keeni doonto in Somaliland dib loo fiiriyo xaaladeeda ku aadan aqoonsi raadinta calaamka.

SBC News Desk