Sidii loogu kala codeeyey 23-kii ciyaartoy ee isagu soo harey laacibka aduunka

Iyadoo ciyaaryahanka reer Argentine kana mid ah kooxda Barcelona Lionel Messi uu markii afaraad oo isku xigta ku guuleystey abaalmarinta caalamiga ah ee FIFA Ballon d’Or ama Ciyaaryahanka sanadka 2012 ee dunida, isagoo abaalmarintan ku guuleysigeeda boorka uga tagey laacibiin fara badan oo ku soo kala harey wareegyada koowaad & labaad.

Wareega koowaad waxaa isagu soo harey 23 ciyaartoy oo kala ahaa.

Sergio Agüero (Argentina), Xabi Alonso (Spain),Mario Balotelli (Italy), Karim Benzema (France), Gianluigi Buffon (Italy), Sergio Busquets (Spain), Iker Casillas (Spain), Cristiano Ronaldo (Portugal), Didier Drogba (Côte d’Ivoire), Radamel Falcao (Colombia), Zlatan Ibrahimović (Sweden), Andrés Iniesta (Spain), Lionel Messi (Argentina), Manuel Neuer (Germany), Neymar (Brazil), Mesut Özil (Germany), Gerard Piqué (Spain), Andrea Pirlo (Italy), Sergio Ramos (Spain), Wayne Rooney (England), Yaya Touré (Côte d’Ivoire), Robin van Persie (Netherlands), Xavi (Spain).

Laakiin wareega lagu kala baxayo ee uu ku guuleystey Lionel Messi waxaa isagu soo harey 3-daasi ciyaartoy, laakiin su’aasha muhiimka ah ayaa waxay tahay 23-ka ciyaartoy sidee ku noqdeen kuwa u soo baxay wareega labaad.?.

Wareega labaad ee la iskugu soo reebayo 23-ka waxaa u codeeya Tababarayaasha, Captain-ka iyo Saxaafada wadamada xubnaha ka ah FIFA, waxayna mid kasta uu leeyahay 8 cod, tusaale ahaan Soomaaliya Tababaruhu wuxuu leeyahay 8 cod, Captain-ka xulka qaranka wuxuu leeyahay 8 cod, halka saxaafadu leedahay 8 cod.

Hadaba sidii wadamada aduunku ugu kala codeeyeen 23-kii ciyaartoy ee isku soo harey isla markaana markii dambe loo sii kala saarey sadexda ciyaartoy oo kii ugu codkaa badnaa uu ku guuleystey link-ga hoose ka eeg, iyadoo aad ku arki karto Soomaliya xubnihii matalayey sida ay u bixiyeen 24-kii cod ee ay laheyd Soomaaliya, ee kala ahaa Tababaruhu, Captain-ka & waliba saxaafada.

Sanadka 2012 abaalmarinta uu ku guuleystey ciyaaryahan Messi wuxuu helay 41.60% codadkii la bixiyey, halka Ronaldo uu helay 23.68%, iyadoo Iniesta uu helay 10.91%.

Si aad u eegto liiskaasi oo dhameystiran isla markaana aanay kaa galin muran iyo shaki sida abaalmarintan loogu guuleysto riix link-ga hoose.
Halkan Riix

Halkan Riix Liiska oo Dheer

Yaasiin Faradheere
SBC International Stockholm

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

ARTICLE TOOLS
Share to Facebook Share to Twitter Email to friend Print
NEWS IN ENGLISH
WARARKII