Gudoomiyaha Degmada Banderbayla Siciid Aadan Cali (Anteno) oo wareysi siiyay Warbaahinata SBC International  Ayaa waxaa uu kaga hadlay Kulan saaka ay degmada Banderbayla kula qaateen Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole iyo wefdi uu hogaaminayo oo socdaal Deegaankaas ku marayay.

Gudomiyaha Degmada Mr Anteno ayaa sheegay in Madaxweynaha ay u gudbiyeen Warbxiin ku saabsan Degmada iyo baahiyaha xilligan ka jira degmada oo ay ugu balaarantahay Gadiid Badeedka Jariifka oo Xeebaha Deegaankaas ku soo batay.

Siciid Aadan Cali Gudoomiyaha Degmada Bandarbayla ayaa waxaa uu sheegay in Markii Madaxweynaha ay kala hadleen Arimaha Baahiyaha Xilligan Jira uu u sheegay in ay Dowladu gacan ka geysan Doonto Intii awoodeeda ah Daboolida Baahiyaha Deegaanadaas ka jira

Gudoomiyaha Degmada aya xusay in madaxweynaha ay Maamul ahaan weydiisteen inuu siiyo doonyo dheereya oo lagula dagaalamo Gadiidka Jariifka ah ee Gurayana Kheyraadka Dabiiciga ah ee Degmada taasina uu ka aqbalay

Maamulka Degmada ayaa sheegay in Madaxweynaha uu Balanqaadyo u sameeyay Degmada Bandarbayla kuwaasi oo ay ka mid yihin Horumarinta Waxbarashada Iyo Caafimaadka

Wefdiga Madaxweynaha Puntland ayaa intii ay joogeen Degmada Bandarbayla waxay kulamo kala duwan la qaateen Cuqaasha iyo Waxgaradka Degmada waxaana ay kala hadleen Sidii ay Maamulka ugala shaqeyn lahaayeen Sidii looga Hortagi Lahaa Dhibaaatoyinka Deegaanka ku soo noqnoqday ee Burcad badeeda

Wefdiga Madaxweynaha Puntland ee Socdaalka Shaqo ku maraya Degoomyinka ka tirsan Gobolka karkaar ayaa waxaa ku jira wasiiro Wasiir ku xigeeno iyo Masuuliyiin kale kuwaasi oo Socdaalkoda ay ugu weyntahay Sidoo loo soo dhameytiri Lahaa Gogosha Nabadeed ee Taala Degmadaas.

SBC International  Bandarbayla