Kooxaha shufto badeeda Soomaalida ayaa la xaqiijiyey inay sii daayeen markab shidaalka qaada oo laga leeyahay wadanka Kuwait ka dib markii ay qaateen lacag madaxfurasho ah oo aad u fara badan.

Shufto badeed lacag malaayiin doolar ah tirsanaysa

Markabkan oo lagu magacaabo MV Zirku ayaa u gacan galey kooxaha shuftada badda badda 28-kii bishii March ee sanadkan isagoo ku sii jeeday wadanka Singapore kana yimid wadanka Suudaan.Markabka MV Zirku oo ah nooca booyadaha ee shidaalka qaada waxaa saarnaa 29 qof oo shaqaale ah.

“Waxaynu siideynay markabka saliida qaada, ka dib markii aan helnay 12 milyan oo doolar oo madaxfurasho ah, wuuna dhaqaaqay” sidaasi waxaa u sheegay wakaalada wararka Reuters nin magaciisa ku koobay Rashiid oo ka mid ah shufto badeeda.Shaqaalaha markabka saaran ayaa u kala dhashay 17 Pakistaaniyiin ah, 3 Masaari ah, 3 Jordaniyiin ah, 1 Ciraaq, Croatia, 1 Hindi ah & 1 u dhashay Filipiin.

Hay’adda caalamiga ah ee baddaha ayaa sheegtey in burcad badeeda badda ay aduunka ugu kacdey lacag dhan 12 bilyan oo doolar.

Keyse Caamir
SBC News Desk