Kooxaha burcad badeeda Soomaaliya ayaa siidaayey markab laga leeyahay wadanka Laybeeriya balse ku gooshayey calanka dalka Panama kaasi oo ay hasyteen mudo afar bilood ah.Markabka MV Renuar oo ay saaran yihiin 24 shaqaale ah oo u dhashay wadanka Filipiin ayaan la ogeyn siideyntiisa qaabka ay ku timid inkastoo la ogyahay in kooxaha shufto badeeda ay siidaayaan maraakiibta marka ay ka helaan lacagaha madaxfurashada ee ay dalbadaan.Taliska ciidamada shisheeye ee hawlgalka loogu yeero la dagaalanka burcad badeeda ka wada xeebaha Soomaaliya, gacanta cadmeed & Badeynta Hindiya ayaa xaqiijiyey siideynta markabkan.Markabka MV Renuar oo xamuulka uu qaado uu gaarayo 17,156 tan ayaa bishii December ee sanasdkii hore wuxuu u gacan galay kooxaha shufto badeeda isagoo ka soo kicitimay Jasiirada Mauritius isagoo ku sii jiiday dalka Isu taga Imaaraadka Carabta.

Keyse Caamir
SBC Monitoring